Meydadka Maleeshiyaadkii weerarka ka geystay agagaarka Villa Somalia oo weli goobta yaal

0
314

Muqdisho (Caasimada Online) –War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in afafka hore ee Madaxtooyada Somalia ay weli yaala Meydadka Maleeshiyaadkii shalay weerarka geestay.
Meydadka ilaa iyo afar ruux oo xiran dareeska cusub ee Ciidamada Militeriga Somalia ayaa yaalla Agagaarka Madaxtooyadda Somalia.
Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegen in afarta ruux ee goobta uu weerarku ka dhacay yaalla ay yihiin Kooxdii soo weerartay Ciidamada ilaaladda Madaxtooyadda.
Meydadka maleeshiyaadkan oo la is dul saaray kadibna joodari dusha laga saaray illaa shalay markii weerarka uu dhacay ayaa iminka halkaasi yaalay.
Meydadka qaar ayaan muuqaal ahaan la aqoonsan waxaana saameyn xoogan ku yeeshay ololka iyo biraha ka dhashay Qaraxa.
Hay’adda Ammaanka dowladda Soomaaliya ayan  wali warbaahinta la hadlin, waxa ayna su’aashu tahay sababta ay Hay’adaha amaanka afka uga qabsadaan dhacdooyinka ceynkan ee iyaga quseeya.
Sidoo kale, gaadiidka qashinka Gobolka ayaa lasoo sheegayaa in goordhow loo dalbady si meydadka loogu qaado isla markaana loo xabaalo.
Dhinaca kale, Qaraxa ayaa shaki galiyay hanaanka shaqo ee Taliska ciidamada Militeriga, waxa ayna far ku godan tahay Taliska ciidamada Xoogga oo iyagu wax laga weydiin doono sida uu ku baxay dareeska ay wateen maleeshiyaadka weerarka fuliyay oo ahaa kuwo dhawaan la bixiyay isla markaana cusub.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Meydadka Maleeshiyaadkii weerarka ka geystay agagaarka Villa Somalia oo weli goobta yaal

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.