Meydka Gabar yar oo laga helay deegaan duleedka ka ah Cadaado

0
234

Cadaado (Caasimadda Online) – Wararka aan ka heleyno deegaanka Godinlabe ee Duleedka Magaalada Cadaado ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi saakay lagu arkay Meydka gabar da’yar ah.Dadka deegaanka Godinlabe ayaa tegay halka lagu arkay Meydka Gabadha yar oo da’ahaan lagu qiyaasay 10-sanno jir,isla markaana waxaa halkaas markii dambe laga soo qaaday Meydkaas.Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Meydka gabadha,waxaana dadkii tegay halka lagu arkay Meydka ay sheegeen in Jirkeeda uu ka muuqday jirdil xoogan oo loo geystay dilka ka hor.Dad yaqaanay ayaa Marxuumada la dilay magaceeda ku sheegay Sagal Garaad Axme,taasi oo kamid aheyd dadka deegaanka Godinlabe ee Duleedka Magaalada Cadaado.Ilaa iyo hada lama oga sababta loo dilay gabadhaas yar,waxaana goobta ka baxsaday kooxihii ka dambeeyay falka,isla markaana waxaa baaritaano kala duwan oo ku aadan dhacdadan haatan wada maamulka deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud.Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com 




SOURCE: Meydka Gabar yar oo laga helay deegaan duleedka ka ah Cadaado

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.