Mid Ka Mid Ah Ciyaartoyda Ugu Muhiimsan Barcelona Oo Ganaax Ku Seegaya Kulanka Horyaalka La Liga Ee Valencia.

0
64

Barcelona ayaa xalay guusheedii 8 aad oo xidhiidh ah ee horyaalka La Liga ka soo gaadhay kooxda FC Girona kadib markii ay Nelson Semedo iyo Lionel Messi noqdeen labada xidig ee Barca guushan ku soo hogaamiyay. Lionel Messi ayaa kulankii 7 aad oo xidhiidh ah shabaqa u soo taabtay Barcelona isaga oo tan iyo bishii Septembter kulan kasta ka soo dhalinayay gool ama gool caawin ka soo samaynayay.
Barcelona waxay sii joogtaysay shanta dhibcood ee ay hogaanka La Liga ku hayso iyada oo kooxda Valverde hadda sii buuxda u maamulaysa tartanka koobkiisa ay difaacanayso ee La Liga laakiin waxay guushii FC Girona ku soo waayeen adeega mid ka mid ah ciyaartoyda kooxdooda ugu muhiimsan oo seegi doona kulanka adag ee Valencia.
Ernesto Valverde ayaan kulanka Valencia ee horyaalka La liga ku xisaabtami doonin xidiga khadka dhexe ee Sergio Busquets kaas oo ganaax ku maqnaan doona kadib markii uu kaadhkiisii shanaad ee digniinta ahaa ku qaatay kulankii FC Girona.
Sergio Busquets ayaa diyaar u ah kulanka lugta labaad ee siddeed dhamaadka Copa Del Rey oo ay Barcelona garooneeda Camp Nou ku soo dhawayn doonto kooxda Sevilla oo ay lugtii hore guuldaro 2-0 ahi ka soo gaadhay laakiin Busquets ayaa ganaax hal kulan ah ku seegi doona kulanka adag ee Valencia.
Barcelona ayaa sabtida February 2, waxay Camp Nou ku soo dhawayn doontaa kooxda Valencia waana kulan muhiimad wayn u yeelan kara kooxda Blaugrana laakiin Busquets ayaa kadib markii uu qaatay kaadhkiisii shanaad ee digniinta ahaa waxa uu seegi doonaa kulanka Valencia.
Maqnaanshaha Sergio Busquets ee kulakna Valencia waxaa uu Valverde ku qasbi doonaa in uu khadka dhexe ee kooxdiisa dib u habayn ku sameeyo iyada oo Ivan Rakatic iyo Arthur Melo ay noqon doonaan labada xidig ee booskooda sii adkaysan doona waxayna u badan tahay in Valverde uu kala xulan doono Arturo Vidal, Sergi Romero iyo waliba in uu xataa Philippe Coutinho khadka dhexe ku soo celin karo.
Si kastaba ha ahaaatee, Sergio Busquets ayaa maqnaan doona kulanka Valencia balse waxay taasi dariiqa u xaadhaysaa in aanu wax walwal ah ka qabi doonin in uu seego kulanka El Clasico-da ay Barca booqan doonto Bernabeu.
The post Mid Ka Mid Ah Ciyaartoyda Ugu Muhiimsan Barcelona Oo Ganaax Ku Seegaya Kulanka Horyaalka La Liga Ee Valencia. appeared first on Latest football news.




SOURCE: Mid Ka Mid Ah Ciyaartoyda Ugu Muhiimsan Barcelona Oo Ganaax Ku Seegaya Kulanka Horyaalka La Liga Ee Valencia.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.