Mid ka mid ah dhaawacyadii la geeyay Turkiga oo geeriyooday

0
86

Wararka ka imaanaya magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa sheegaya in mid ka mid ah dhaawacyadii shalay laga qaaday magaalada Muqdisho oo aheyd Dumar ay geeriyootay.

Aamina Cusmaan Kheyre oo dhaawaceeda aheyd mid culus ayaa la sheegay inay geeriyootay intii loo sii waday Isbitaalka.

Dhaawacyada laga qaaday Muqdisho oo ahaa kuwa ugu cuslaa ee waxyeelada ka soo gaartay qaraxii maalin ka hor ayaa gaaraya illaa 16 ruux oo mid ka mid ah ay geeriyootay.

Illaa afar Isbitaal oo ku yaalla magaalada Ankara ayaa loo kala gudbiyay dhaawacyada, waxaana Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Turkiga ka qeyb qaadanayaan sidii ehelada la socda dhaawacyada ay uga caawin lahaayeen dhanka turjumaada.

Dowladda Turkiga ayaa dadaal xooggan ku bixineysa gurmadka dhaawacyada iyo sidii xaaladooda loola tacaali lahaa, waxaana shalay u soo dirtay Muqdisho diyaarad qaas ah oo loogu tala galay in xaalada dhaawacyada lagula tacaalo.

The post Mid ka mid ah dhaawacyadii la geeyay Turkiga oo geeriyooday appeared first on Jowhar Somali Leader News.




SOURCE: Mid ka mid ah dhaawacyadii la geeyay Turkiga oo geeriyooday

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.