Mid kamid ah shaqaalaha Wasaarada Waxbarashada oo loo xirey arrimo la xiriira imtixaanka fashilmay

0
264

jowhar Somali News Leader
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Bashiir Cabdi Maxamed ayaa shaaciyay in Ciidanka Booliska ay xireen mid kamid ah shaqaalaha wasaarada Waxbarashada dowlada federalka kaasoo lagu tuhmayo inuu ka dambeeyay bixitaankii imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare ee dalka.
Ninkan loo haysto bixinta imtixaanka ayaa magaciisa lagu sheegay Jamaaludiin Xasan Xirsi oo 29 sano jir ah ayaa la sheegay in sharciga la horkeeni doono. Hase yeeshee wax faahfaahin ah lagama bixin  qeybta uu  ka shaqeynayay shaqsigan loo haysto bixinta imtixaanka.
Taliyaha ciidamada Booliska ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka Booliska ay baaritaano ku wadaan dad kale oo lala xiriirinayo inay ku lug leeyihiin fashilkii ku yimid imtixaanka.
Wasaarada Waxbarashada dowlada federalka ayaa dhowaan ku dhowaqday inay baabi’isay imtixaankii dugsiyada sare kadib markii la xaday,iyadoo wasaaradu ay sheegtay in dhamaadka bishan la qaadi doono imtixaan ku celis ah.
The post Mid kamid ah shaqaalaha Wasaarada Waxbarashada oo loo xirey arrimo la xiriira imtixaanka fashilmay appeared first on Somali News Leader.




SOURCE: Mid kamid ah shaqaalaha Wasaarada Waxbarashada oo loo xirey arrimo la xiriira imtixaanka fashilmay

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.