MID KAMID AH XIDIGIHII XALAY FRANCE KULA GUULAYSTAY KOOBKA ADUUNKA OO KU DHAWAAQAY IN UU KA FARIISTAY CIYAARAHA CAALAMIGA AH.

0
159

Kadib Markii uu xulka qarankiisa France kula guulaystay koobkii adduunka ee ugu horeeyay iyo midkii 2-aad ee taariikhda xulka qaranka France xiddig u ciyaara France ayaa isla markiiba shaaciyay in uu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah.
Xiddiga daafaca uga ciyaara xulka France ee Adil Rami ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqay in uu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah kadib markii uu xulkiisa kula guulaystay koobka adduunka.
SAINT PETERSBURG, RUSSIA – JULY 10: Adil Rami of France celebrates following his sides victory in the 2018 FIFA World Cup Russia Semi Final match between Belgium and France at Saint Petersburg Stadium on July 10, 2018 in Saint Petersburg, Russia. (Photo by Alexander Hassenstein/Getty Images)
Rami ayaa ahaa badal aan la isticmaalin kulankii uu xulka France 4/2 uga badiyay xulka Croatia uguna guulaystay koobka adduunka markii 2-aad ee taariikhdooda.
32 jirkan oo aan in badan ciyaarin tartanka koobka adduunka ayaa ka mid ahaa xiddigihii u dabaal degayay ku guulaysiga koobka adduunka markii ugu horaysay tan ilaa 1998.
Ciyaarta kadib ayuu Rami Yidhi”Waligay ma arkin xulka France oo sidan jawi cajiib ah ugu jira”.

“Wadankeenu wuu u qalmaa tan, cid walba maanta waxa ay helaysaa xaflada, ma garanayo si aan u sharaxo”.
“Waxa uu noqon doonaa kulankan midii ugu dambeeyay ee aan ka qayb ahaado xulka qaranka France, waxa la gaaray wakhtigii aan booska u banyan lahaa xiddigaha da,yarka ah”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
 




READ MORE FROM THE SOURCE: MID KAMID AH XIDIGIHII XALAY FRANCE KULA GUULAYSTAY KOOBKA ADUUNKA OO KU DHAWAAQAY IN UU KA FARIISTAY CIYAARAHA CAALAMIGA AH.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.