Midowga Afrika oo DF ku wargeliyey go’aan cusub oo ku saabsan bixitaanka Ciidamada AMISOM

0
318

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Shir lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Adis Ababa ee Caasimadda Itoobiya ayna ka qeybgaleen Taliyayaasha Waddamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya,Guddiga amniga iyo siyaasadda ee Midowga Afrika, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Hay’daha daneeya Soomaaliya ayaa looga hadlay qorshaha AMISOM ay uga baxeyso Soomaaliya inta u dhaxeysa 2019 ilaa 2021ka.Shirkan waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka kala socday Waddamada kala ah; Burundi,Jabuuti, Ethiopia, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Uganda  iyo Zambia.Waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga amniga iyo siyaasadda Midowga Afrika Smail Chergui, waxaa shirkan lagu ansixiyay Qorshe Howleed ay taliyayaasha qeybaha AMISOM ee Soomaaliya u dejiyeen habka ay AMISOM kaga baxeyso Soomaaliya, sida amaanka loogu wareejin karo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo qodobo kale.Shirka markii uu furmay Madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Francisco Madeira, ayaa ka qeybgalayaasha shirka u sharraxay xaaladda Soomaaliya ee hadda jirta.SHirka lagu qabtay Adis ababa ayaa lagu taageeray Dukumiinta lagu diyaariyay qorshe howleedka AMISOM kaas oo shirar looga hadlayay lagu qabtay Muqdisho iyo Nairobi.Qodobada ugu muhiimsan ee ka soo baxay ayaa ah in la taageeray Dukumiintigaas, sidoo kalena loo gudbinayo golaha amaanka ee Qaramada Midoobey si ay dood uga yeeshaan qorshe howleedka una mmeel mariyaan.Waxaa kale oo shirkaasi qodobada ka soo baxay ka mid ah in Dowladda Federaalka ah laga dalbaday in ay dhisato Ciidan tayo leh oo ku filan,kuwaas oo amaanka dalka kala wareegi kara howlgalka AMISOM marka la gaaro sanadka 2021ka.Caasimada Online Xafiiska Adis Ababa Caasimada@live.com  




SOURCE: Midowga Afrika oo DF ku wargeliyey go’aan cusub oo ku saabsan bixitaanka Ciidamada AMISOM

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.