Midowga Yurub oo ugu deeqay 250 geel dal qani ku ah geela

0
12

Ururka Midowga yurub ayaa ugu deeqay dalka Mauritania illaa 250 geel ah si ay uga qeyb qaataan xoojinta ammaanka xadka ay la wadaagaan dalka Mali.
Sida lagu daabacay warbaahinta Sahara Media illaa 250 geel ah ayaa la keenay magaalada Achemim ee Bariga dalka Mauritania kuna dhow xadka dalka Mali.
Dadka ku nool magaaladaas ayaa la yaab la noqotay in Midowga Yurub ay ugu deeqaan dalkooda geel iyadoo la ogyahay in dalka Mauritania uu qani ku yahay dhaqashada geela.
Geelan ayaa waxaa isticmaali doona cutubyo ka mid ah ciidamada dalka Mauritania si ay ugaga caawiyaan sahminta dhulka saxaraha ah.
Taliyaha ciidamada Mauritania General Masgaro Ould Sidi ayaa ku tilmaamay deeqdan mid wax ka tari karta sidii loo kordhin lahaa awooda ciidamada ilaalada xadka dalkiisa uu la wadaago dalka Mali gaar ahaan xooggaga jihaadiyiinta ah.
Baraha bulshada ay ku xiriiraan ayaa la soo dhigey ereyo la yaab leh oo ay dadka reer Mauritania uga hadlayaan geelan loogu deeqay dalkooda.
“Qaarada Yurub ma geel baa ku nool.” Ayaa kamid ahaa ereyadii lagu arkay baraha bulshada. Sidoo kale shacabka reer Mauritania ayaa is weydiiyay sababta Midowga Yurub uu u siin waayay qalab kale oo casri ah halka uu ugu deeqay geel.
“Maxay hub iyo qalab militari oo faa’ido leh inoo siin waayeen?”ayuu is weydiiyay qof kale oo ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada oo ku nool wadanka Mauritania.
Deeqda geela ayaa ka mid ah gargaar gaaraya 13 malyan oo Yuro o ouu Midowga Yurub ugu talogalay in looga caawiyo dalka Mauritania horumarinta dhinaca ammaanka.

The post Midowga Yurub oo ugu deeqay 250 geel dal qani ku ah geela appeared first on Jowhar Somali Leader News.




SOURCE: Midowga Yurub oo ugu deeqay 250 geel dal qani ku ah geela

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.