MIYAA LAGUU TALIYAY HORTA

0
1345

Maa laguu taliyaa horta… yaad lasoo sheekaysatay maalmahan… fikirkaagii iyo caqligaagii maaha… caqligaa lagaa soo xday ee i maqal. Hmmm… Waa hadalo aan maqalno in badan oo maalmaheena ka mid ah. Qofbaa sheegaya fikir ka duwan kuwa uu la joogo wxaa laga yaabaa in dadka badankooda uuna cajabin ra’yigaasi sidaa darteed waxaa waajib noqotay in isla markiiba qofkii lagu shaanbadeeyo…. YAAD LASOO SHEEKAYSATAY… dadka qaar markiiba waxay la soo boodaan waad deenishowdee (kolba wadanka uu joogo qofku) hadii aynu nahay dadka Soomaaliyeed waxaa inagu adag inaynu ogolaano fikir qofkale uu keenay, sidaa darteed waxaa sahlanaatay in qofkii ra’yi aan la maqal keena in lagu fogeeyo hadalada aan kor kusoo sheegay. Qoys aabo iyo hooyo iyo caruur ka kooban ayaa wada sheekaysanaya, caruurta kuwa waawaynaaday ee xilkaska ah ayaa sheegaya ra’yi ka duwan Miyaa laguu taliyaa

Su’aashu maaha halkeed ka timide waa yaad u iilataa! (1,453) midka reerkiisa. Odaygii ama islaantii ayaa markiiba lasoo boodaya… YAAD LASOO SHEEKAYSATAY MAALMAHAN. Hmmm ma khasabaa inaad qof lasoo sheekaysato si aad ra’yi cusub u keento, caqli aad kusoo saarto fikir cusub saw Illaahy swt kumuu siinin. Gabadh iyo wiil ayaa guur ka wada sheekaysta, gabadhii ayaa wiilka ku tidhi waxaan rabaa inaad wakhti isiiso aan kugu soo ogaado dadka ku yaqaanana aan kusoo waydiiyo.

Halka uu kaga farxi lahaa ihtimaamka ay siinayso isbarashadooda wuxuu markiiba lasoo boodayaa MIYAA LAGUU TALIYAA. ISKUMA KALSOONID MIYAA. IMA AAMINAYSID ANIGU WAXAAN KUU SHEEGAYO MIYAA iwm. Hadii uu sidaa isoogu kalsoon yahay maxaa diidaya inay iyaduna soo qanacdo, goorma ayey noqotay caqli yari iyo fikir lala yaabo inuu qof qof kale soo waydiiyo akhlaaqdiisa. Laba kooxood oo fikirka diinta ku kala duwan ayaa koox waxay soo saartay Fatwo banaynaysa shay iyagoo daliil kooda haysta.

Kooxdii kale ayaa markiiba lasoo boodaysa kooxdaasi way fogaatay oo waxa ay sheegayaan waxba kama jiraan iyagoo iyaguna haysta daliilkooda, koox iyaga ka mida ayaan ku qancin in si dabacsan loola hadlo sidaa darteed waxay aad iyo aad isoogu mashquulinayaan sidii ay u fogeyn lahaayeen ilaa ay gaadhsiiyaan kooxda kale meel aad u fog, qaarkood waxay ku tilmaamaan inay ridoobeen oo ay diintii ka noqdeen. Subxanallaah. Sidii uu qofkastaa qofka kale fikirkiisa inuu canbaareeyo uu ugu mashquulsanaa ayey dadkii iloobeenba inuu Ilaahay swt iyagaba siiyey caqli ay ku soo saaraan fikir wax ku ool ah. Hadii aadan aqoon sida maskaxdaada loo carbiyo oo looga soo saaro fikir wanaagsan oo aad ku dhisi karto wadan iyo bulshaba, maxaa kuu diiday inaad ixtiraamto oo aadan xaqirin dadka kale maadaama oo ay keeneen fikir aad soo saari kari wayday adigu. Inta ay bulsho bulsho kale ku ixtiraamayso fikirkeeda, inta qoys uu qoyskiida iyo ubadkiisa ixtiraamyo, inta qofba qofka kale ku ixtiraamayo ra’yigiisa waa marka aynu gaadhayno ixtiraam iyo horumar. Hadii qofka aad ra’yigiisa aad ku diidaysaa uuna diinta wax u dhimayn wax kaaga fiicani ma jiro inaad ku ogo laato ama ku ixtiraamto adoo kasoo hor jeeda fikirkiisa.

KOOLKOOLI.COM WAA HANQABTIRAHA BULSHADAA

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.