MOGADISHU BOOK FAIR: Ma mahruuc shisheeyaa mise bandhig buugaag?

0
315

Sidaa aad magacaba ka garan kartaan, waa mid ay ankumiddiisu lahaayeen dhalinaro Soomaali qurbo joog u badan . Dhabcan ma fahmi karo qof walboo Soomaali ah waxa loola jeedo, illeen luuqadda English-ka dadka ma wada garanayaane.
Sida lagu qoray boggooda baraha bulshada, waa madal loogu tala galay in lagu soo bandhigo buugaagta la qoray, la iskuga keeno qoraayaasha, abwaanada,  sido kale dadka lagu dhiiro geliyo inay wax aqriyaan waxna qoraan.
Sanadkii 4-aad ayey qabatay madasha Mogadisho Book Fair bandhig buugaagta 15-ka bishan Agoosto 2018. Waxaana lagu qabtay Hoteel ku yaal magaalada Muqdisho. Waxaa kasoo qeyb galay qeybaha kala gedisan ee bulshada iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somaaliya.
Sida ku xusneyd boorarkii madasha lagu xardhay waxaa howshaas maalgelineysay hay’adda USA-Aid oo ah hay’ad mareeykanka laga leeyahay, meelo badan caalamkana barnaamijyo ka fangareysa.
Dhab ahaantii, waa wax lagu farxo in bulshada Soomaaliyeed lagu dhiiro geliyo wax aqriska iyo qoraalka si ay ula jaan qaadaaan dadyoowga kele ee caalamka, si la mid ah in la dhiira geliyo qoraayaasha da’da yar. Su’aashuse waxey tahay ma sida wax loo waday mise sida wax looga baahnaa?
Waa tan koowaade, magaca Mogadisho Book Fair maloo waayay magac Af-Soomaali ah oo u dhigma!, mar haddii  howshu tahay mid Soomaalida loogu talagalay, si qof weliba u fahmo u jeedka. Dad badan ayaa i weydiiyay maxaa laga wadaa “Mogadisho Book Fair”.
Wan tan labaade, mar haddii dadka lagu dhiira gelinayo inay aqriska iyo qorista badiyaan, sow ma aheen  sido kale in laga shaqeeyo horumarinta luuqadda Soomaaliga.
Aan seddaxeeyee, waxaa madasha lagu dhigay Hoteello qaali ah iyadoo ay mudneed in lagu diyaariyo xarunta akadeemiyada dhaqanka, afka  iyo suugaanta, haddiiba howsha looga tala galay in lagu hormariyo aqriska iyo qoraalka Soomaaliga.
Sida aan horay u sheegay waxaa maal geliyay hay’adda UAS-Aid. Sida Soomalida ka wada dheregsantahay ma jiro mashruuc ay maal geliyaan reer-Galbeedka oo aan u jeedo qoto-dheer  ka danbeyn. Sow ma aheyn qarashkaas in lagu maal geliyo akadeemiyada dhaqanka afka iyo suugaanta soomaaliyeed sido kale lagu horumariyo Luuqadda Soomaaliga.
Dhanka kale, inta badan dadka qoraayaasha halkaas joogay ma jirin mid aqoonsi qoraanimo ka heystay ama buugiisa lagu soo qiimeeyay xarun hay’ad ama wasaarad dowladeeda sida akadeemiyada dhaqanka afka iyo suugaanta.
Inkastoo  aysan jirin akadeemiya ama wasaarad qiimeyn ku sameysa qormooyinka qoraayaasha hadda jira, haddana taasi waxa ay keeneysaa in qof kasta oo iska soo xariiqda 20(Labaatan bog) ama meel kale kasoo guuriya in uu yiraahdo waxaan qoray buug ama waxaa ahay Qoraa.Taasoo iyadana sababeysa hoos u dhac ku yimaada qiimaha qoraayaasha Soomaaliyeed  iyo qormooyinkooda.
Isku soo wada duuboo, howshan ayaa aheyd mid looga baahnaa inay qabato dowladda Soomaaliya ama ugu yaraan ay iyada maamusha. Maadaam aysan dhicin, haddana waxaa la gudboon dowladda inay ka codsato hay’adaha maalgelinaya barnaamijkan inay u weeciyaan horumarinta akadeemiyada dhaqanka afka iyo suugaanta soomaaliya si loo helo hay’ad qiimeyn mug weyn ku sameysa buugaagta qoraayaasha misana hubisa qoraalka luuqadda iyo micnaha uu xambaarsanyahay buugga.
W/Q: Abdinasir Safaana
Email: Safaanahaji@gmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid




READ MORE FROM THE SOURCE: MOGADISHU BOOK FAIR: Ma mahruuc shisheeyaa mise bandhig buugaag?

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.