MOHAMED SALAH OO KU GUULAYSTAY LABA BILADOOD OO MUHIIM AH.

0
86

Xidiga Mohamed Salah Ayaa la shaaciyay in uu ku guulaystay Abaalmarinta qaaliga ah ee ay bixiso FWA Wax yar uun ka hor inta aan la shaacin in uu sidoo kale ku guulaystay Xidiga ugu wanaagsan kooxdiisa Liverpool.

Mohamed salah oo mudooyinkaan si wayn u uruur sanayay Bilado kala duwan ayaa waxaa uu xalay helay laba biladood oo muhiim ah waxaana hal habeen uu ka qayb galay labo munaasabad oo uu biladahan ku qaatay.

Waa xidiga ugu wanaagsan xili ciyaareedkan sii dhamaanaya kooxda Reds taa oo ay dad badan Khireeen in uu si wayn ugu qalmo Abaalmarintaasi.

Waxaa kula tar tamayay Bilada ay siisay FWA oo uu kaga guulaystay Xidigaha kala ah Kevin De Bruyne iyo Harry Kane isagoona noqonaya xidigii ugu horeeyay ee African ah oo Biladan sanadlaha ah ku guulaysta.

Mohamed Salah ayaa indhaha caalamka si wayn u soo jiitay tan iyo markii uu ku soo biiray kooxda Reds lagu naaneeso isagoona bilado kala duwan helay xili ciyaareedkaan sii dhamaanaya.

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.