Mohamed Salah Oo Sadio Mane Kula Dabaal Degay Lambarka Cusub Ee 10-aad.

0
104

 
Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed salah ayaa saaxiibkiisa ay isku kooxda yihiin ee Sadio Mane kula dabaal degay lambarka cusub ee laga siiyay kooxda Liverpool ka hor xilli ciyaareedka cusub ee 2018/2019.
Xiddiga reer Senegal ayaa kooxda Liverpool u xiranayay Lambarka 19 kaas oo xiranayay tan ilaa 2016 markii uu kooxda kaga soo biiray kooxda Southampton.
Kooxda Liverpool ayaa xaqiijisay in uu xiddiga reer Senegal kooxda u xiran doono Lambarka 10 laga bilaabo xilli ciyaareedka cusub ee 2018/2019.
Salah ayaa saaxiibkiisa Mane kula dabaal degay Lambarka kadib markii ay dhamaysteen tababarka iyaga oo sawir ku wada galay lambarka No.10.
Labada xiddig ayaa maanta si Rasmi ah ugu soo wada laabtay tababarka kooxda Arsenal kadib markii ay labada xiddig soo dhamaysteen fasaxii ka dambeeyay koobka adduunka.

Dhanka kale wararka haatan soo baxaya ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Senegal ee sadio Mane ogolaaday in uu kooxda Liverpool qalinka ugu duugo heshiis cusub oo shan sano ah.
Mane ayaaa mari doona wadada xiddigaha ay weerarka ka wada ciyaaraan ee Salah iyo Firmino oo qalinka ku duugay heshiisyo cusub oo min shan sano ah.
 




READ MORE FROM THE SOURCE: Mohamed Salah Oo Sadio Mane Kula Dabaal Degay Lambarka Cusub Ee 10-aad.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.