MOHAMED SALAH”KUMA FARAXASANI IN LAYLA BAR BAR DHIGO MESSI IYO RONALDO.

0
381

Xidiga xili ciyaareedkan sida wayn u soo jiitay indha caalamka biladaha kala duwana ku guulaystay ee Reer Masar Maxamed Saalax ayaa waxaa markii ugu horaysay uu si cad uga hadlay bal hadii lala bar bar dhigi karo Isaga xidigaha Messi iyo Ronaldo.

Mohamed Salah Ayaa Sheegay in xiligaan aysan suuro gal ahayn in lala bar bar dhigo xidigahaasi oo waayo badan qaab ciyaareed wanaagsan kusoo gudo jiray balse waxaa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in lala bar bar dhigo xidigahaasi oo dunida magac aad u wayn ku leh.

Mar uu waysi siinayay T.V laga leeyahay Egypt ayaa waxaa hadaladiisa ka mid ahaa Maxamed Salah.

Labadoodaba midkastaa waxaa uu ku jiray waayo wanaagsan mudo 10 ilaa iyo 11 sano ah  halka qaab ciyaaroodkooda uu yahay mid aad u dagan.

“Waxaan u baahanahay in aan maamulo heerka Qaab ciyaareedkayga sanado badan waxaana rajaynayaa in aan talaabaada noocaaas ah qaadi karo waa xidigo aad u waa wayn waxaana ku rajo waynahay in is bar bardhiga intaas la eg la ii sameeyo.

Maxamed Saalax tan iyo markii uu kusoo biiray Liverpool waxaa uu soo bandhigay bandhig Cajiib ah waxaa uu saxiixay 43 gool dhamaan Tartamada oo dhan.

Dhawaan waxaa loo doortay xidiga ugu wanaagsan kooxda Xili Ciyaareedkan taa oo ay taageereyaasha sheegeen in uu si sax ah ugu qalmo Bilada la siiyay Xidigan.

Jurgen Klopp ayaa qaba in aysan marnaba qasaarin qiimaha lacageed ee uu ku soo iibsaday Salah uuna safka hore uga jiro xidigaha uu ku dagaalami doono xili ciyaareedka soo socda.

 

 

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.