Muqdisho: Askar badan oo lagu dilay qarax baabuur

0
217

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Gaari Cabdi bile ah oo ay saarnaayeen askartaan ayuu qabsaday qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso, xilli Kolonyada ciidanka ay ku soo socdeen Magaalada Muqdisho gudaheeda.Afar ruux ayaa ku geeriyootay oo mid ka mid qof shacab ah uu yahay, halka saddex kalena ay yihiin ciidan la socday gaari cabdi bile ah, kadib markii qarax lagula eegtay deegaanka Waydoow ee duleedka Muqdisho.Masuuliyiin ka tirsan Maamulka deegaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in saddex askari oo Alpha Group ay dhinteen, sidoo kalena laga cabsi qabo rasaasta ay fureen ciidanka dad inay ku dhinteen.Ciidanka qaraxan lala eegtay oo ka tirsan Alpha Group ayaa u soo socday Muqdisho, kadib markii ay ka yimaadeen Gobolka Shabellaha hoose.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Muqdisho: Askar badan oo lagu dilay qarax baabuur

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.