Muqdisho: Gabar weriye ah oo goor dhow la toogtay lana dhaawacay

0
106

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow nasoo gaaray ayaa waxa uu sheegayaa in magaalada Muqdisho lagu dhaawacay gabar ka tirsan Wariyeyaasha Telefishinka dowladda ee SNTV iyo Radio Muqdisho.
Kooxo hubeysan ayaa gabadha Wariyaha ah ee lagu magacaabo Farxiya Mire Maxamed ku dhaawacay magaalada Muqdisho gaar ahaan meel u dhow isgoyska Dabka, waxana Farxiya loola cararay goobaha caafimaadka.
Dhaawaca Farxiya ayaa waxa ay wararku sheegayaan inuu yahay mid culus, waxana baxsaday kooxihii ka dambeeyay dhaawaca gabadhaasi kamid ahayd Wariyeyaasha Telefishinka iyo Raadiyaha dowladda.
Wixii kusoo kordha la soco.





READ MORE FROM THE SOURCE: Muqdisho: Gabar weriye ah oo goor dhow la toogtay lana dhaawacay

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.