Muqdisho: Wiil dhallinyaro oo la toogtay kadib markii uu ka adkaaday askari ay feertameen

0
269

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xilli ay maanta xirnaayeen inta badan Waddooyinka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhacay gacan ka hadal dhex maray Askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya.Mid kamid ah askartii Booliska ee Maanta ku qornaa Isgoyska Taleex gaar ahaan agagaarka Maqaayadda Fatxi ayaa toogtay wiil dhallinyaro ah oo marayey jidka.Wiilka la toogtay ayaa waxay isku gacan qaadeyn mid kamid ah askartii  ilaalada ka heysay jidka kadib markii uu Askariga baad la dhacay wiilkii dhallinyarada ahaa taasoo keentay in askarigii dhagax madax loogu dhufto isla markaasna Feer lala dhigo dhulka.Askariga la feeray oo dhulka yaalo qorigiisana uu dhinaca kale ku dhacay ayuu u qeyliyey mid kale oo ka tirsanaa askarta meesha kula qorneyd isagoo ka dalbaday inuu wiilka u qabto.Askarigii codsiga loo dirsaday ayaa xabad kor ugu riday wiilkii dhallinyarada ahaa si uu ugu yaraan u cabsado  una istaago balse wiilkii ayaa ku adkeystay inuu sii cararo.Markaas kadib askari kale oo ku sugnaa isla goobta una dhowaa halka uu wiilka ku cararayey ayaa xabad kaga dhuftay dhabarka dambe taasoo sababtay inay banaanka usoo baxdo Caloosha wiilkii yaraa.Sida ay dadka goobjoogayaalka ahaa u xaqiijiyeen Caasimadda Online, dhaawaca wiilkii yaraa oo aad u liitay ayaa loola cararay mid kamid ah Isbitaalada Muqdisho ku yaalo.Xasan Axmed oo ahaa goobjooge ku sugnaa meesha ay wax ka dhaceyn ayaa yiri: ” Wiilkii yaraa isagoo dhaawac halis ah naftana kusii yartahay ayaa laga qaaday meesha, askartii falka geystay ee seddexda ahaana meesha way isaga carareen”.Dhacdadaan ayaa keentay inay Isgoyska Taleex soo buux dhaafiyaan dadweyne farabadan oo ka careysnaa falka ay geysteen ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwa Booliska oo loogu talagalay inay u gurmadaan shacabka balse hadda sameenaya taas caksigeeda.Ciidamada Dowladda ayaa shacabka u geysto dhibaato xooggan marka ay xiran yihiin jidadka Muqdisho, wuxuuna falkaan toogashada ahaa kusoo aadayaa xilli Maanta jidka Shaqaalaha muddo 30 daqiiqo loo diidanaa Gawaari waday meyd.Ciidamada Booliska ee joogay isgoyska Shaqaalaha ayaa xabado nool nool ku ridayey gawaarida meydka waday inkastoo markii dambe uu meesha soo gaaray taliye Booliska ka tirsan kaasoo fasaxay meydka.Hey’adaha Amniga weli ma aysan ka hadlin falkaan naxdinta leh ee ka dhacay Isgoyska Taleex ee Magaalada Muqdisho, waxaana u suurta gashay askartii falka geystay inay isaga baxsadaan goobta ay wax ka dhaceyn .Waddooyinka Muqdisho ayaa hadda kusoo laabatay sidii caadiga aheyd waxaana dib u furmay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.Tan iyo markii uu Madaxweyne dalka ka noqday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa yaraaday askarta la geynayo tiirka ee dilalka u geysto dadka Shacabka ah, waxayna taas keentay inay soo bataan toogashada dadka shacabka ah.Inaan la toogan dadka sida kaska ah qof kale u dilo ayaa loo sababeeyaa inuu Madaxweyne Farmaajo saxiixin maadaama uu heysto dhalasho dalka Mareykanka ah taasna uu ku muteysan karo dacwad maxkamadeed.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Muqdisho: Wiil dhallinyaro oo la toogtay kadib markii uu ka adkaaday askari ay feertameen

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.