“Musaveni wuxuu ku abaal dhacay Soomaaliya oo xaalad adag ka samata bixisay” sidaa waxa yiri…..

0
52

Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah shacabka magaalada Muqdisho oo u badan odayaal iyo aqoonyahano lasoo shaqeeyay dowladii dhexe ee dalka ayaa ka hadlay hadalkii kasoo baxay madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni.Iyadoo dhiibanayay aragtidooda ayaa shacabka magaalada Muqdisho waxay isku raaceen in madaxweynaha Uganda uu hilmaamay abaalkii ay u gashay dowladii dhexe ee Soomaaliya, oo u tababartay Musaveni ciidamadii ugu badnaa.Sidoo kale dadkii lasoo shaqeeyay dowladii dhexe ayaa sheegay in madaxweynihii Soomaaliya uu abaal weyn u galay Musaveni kadib markii uu ka celiyay dowlado badan oo xiligaasi doonayay inay weeraraan Uganda.Shacabka ayaa isku raacay in madaxweynaha dalka Uganda uu ku abaal dhacay shacabka Soomaaliyeed, islamarkaan aysan ka fileyn inuu sidaasi u hadli doono, maadaama ay Soomaali abaal u gashay Uganda.Qaar kamid ah shacabka ka qeyb galayay aragti ururuunka ayaa isku raacay in nidaamka dowladeed ee Soomaaliya uu liito, balse hadda ay wax badan iska badaleen dowladnimada Soomaaliya.Hoos ka dhageyso aragtida shacabka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/FOX.mp3Caasimada  Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: “Musaveni wuxuu ku abaal dhacay Soomaaliya oo xaalad adag ka samata bixisay” sidaa waxa yiri…..

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.