Muuse Biixi Oo Sameeyay Xil ka Qaadis Iyo Magacaabis

0
339

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta wareegto uu soo saaray waxaa uu xilalkii uga qaaday mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumaddiisa halka uu magacaabay kuwo kale.
Haddaba Wareegtada uu soo saaray Madaxweynaha sidaan ayay u qorneyd:
“Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;
Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

Tir Magaca Xilka

Admiral Guuto Maxamed Xuseen Faarax Xiirane Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha
Mustafe Godane Cali Bile Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska
Cabdirashiid Xuseen Cabdille Gargaar Guddoomiyaha Gobolka Sool
Amaal Cabdi Xasan Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada
In laga bilaabo taariikhda maanta aan mas’uuliyiintan u beddelo xilalkan:

Tir Magaca Xilka

Admiral Guuto Cabdi Xirsi Ducaale La-taliyaha Madaxweynaha ee Maamulka iyo Amniga Badda
Dr. Cismaan Xuseen Warsame Cabdi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Ku: Mudane Cali Maxamed Cali Nuur,

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta
Og: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta
Mudane,
Sida aad la socoto, xilka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo dhiibo hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay ee Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta.
Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad-sami ah ugu wareejiso Mudane, Dr. Cismaan Xuseen Warsame Cabdi oo ah Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta.
Sidoo kale, waxaan farayaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta in uu u kala wareejiyo labada mas’uul xilka, sida ugu dhakhsaha badan.

Ku: Mudane Cabdi Khayre Dirir,

Guddoomiyaha Gobolka Sool
Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Mudane,
Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay ee Guddoomiyaha Gobolka Sool.
Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad-sami ah ugu wareejiso Mudane, Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Gargaar) oo ah Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Sool.
Sidoo kale, waxaan farayaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha in uu u kala wareejiyo xilka labada mas’uul, sida ugu dhakhsaha badan”.
Goobjoog News




READ MORE FROM THE SOURCE: Muuse Biixi Oo Sameeyay Xil ka Qaadis Iyo Magacaabis

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.