Muuxe Biixi oo sheegay halka Qaab ee lagu dhameyn karo Xiisadda kala dhaxeysa Puntland

0
257

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka sheegay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool qaabka lagu xalin karo xiisadda dagaal ee kala dhaxeysa Puntland.Muuse Biixi, wuxuu sheegay in xalka dagaalada deegaanka Tukaraq ay yihiin kuwo Geed hoostii lagu dhameyn karo oo aysan jirin sabab dhiig kale oo labada dhinac ah loogu daadiyo deegaanada gobolka Sool.Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in marnaba aysan dooneyn in wax wadahadal lagu dhameyn karo ay kusii dagaalamaan dadka wada dhashay ee Puntland iyo Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.“Walaalaha aan iska soo horjeedno ee Puntland weerar kuma nihin, ma necbin, iyagana intaa in la eg ayaan ka dooneynaa, Ma jirto sabab kale oo aan ku dagaalano, waa wax geed hoostii lagu dhameyn karo oo wadahadal lagu dhameyn karo”Mar uu ka hadlay dhexdhexaadinta Caalamka ka wadaan labada dhinac ayuu sheegay inay iyaga mar walbaa diyaar u yihiin wax kastaa oo xal nabadeed lagu gaari karo, balse dhanka Puntland ay wax ka socon la’yihiin.“Annaga weerar kuma nihin Puntland waxaan ka ogolaanay xabad joojin iyo in maxaabiista la is dhaafsado, Saaxiibadeen Garowe ayuu xaalka ka dhamaan la’yahay, waxaa wanaagsan inaan dhiig dambe aanan iska daadin”ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi.Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Muuxe Biixi oo sheegay halka Qaab ee lagu dhameyn karo Xiisadda kala dhaxeysa Puntland

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.