Muxuu Eden Hazard Ku Jawaabay Mar La Weydiiyay Hadii Uu Jose Mourinho Kula Biirayo Old Trafford?

0
247

Hogaamiyaha Belgium-ka Eden Hazard ayaa farxad galiyay jamaahiirta Blues isagoo si weyn uga careysiiyay dhigooda Red Devils kadib markii su’aalo lagu weydiiyay baraha bulshada.

Eden ayaa ka qeyb galay barnaamij su’aalo iyo jawaabo ah oo ay Instagram-ka ku qabatay shirkadda A Star Barbers isbuucaan, waxaana la weydiiyay hadii uu waqtigaan qorsheynayo inuu ku biiro Manchester United.

27-jirka heerka caalami ayaa sheegay ineysan jirin wax fursad ah oo ku jiidi kara inuu isaga tago Blues kuna biiro Red Devils, sidoo kalana uusan marnaba maanka ku heynin inuu la midoobo Jose Mourinho.

Waxaa la xasuustaa in Jose Mourinho iyo Eden Hazard ay isku dhaceen waqtigii ugu dambeeyay macalinka reer Portugal uu joogay Chelsea, waxeyna arintaan noqotay mid ay sida dhawaqa Muusiga oo kale ugu raaxeysteen jamaahiirta Blues.

Jamaahiirta Man United ayaa ka carooday kuwaas oo durba bilaabay iney baraha bulshada xumaan uga sheegaan Eden Hazard.

“Lingard ayaa ka weyn Hazard” ayuu soo qoray ManLikeMeyler shaqsi ku isticmaala barta bulshada ee Twitter-ka.

“Mid laga badbadiyay oo ay shaqadiisa tahay kaliya inuu kubada jiido” ayuu sidoo kale soo qoray Get Rinse

Eden Hazard waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan waqtigaan kubadda cagta waxaana sidoo kale loo tixgeliyaa inuu yahay kan ugu wanaagsan xirfad ahaan Premier League walow fasalkaan uu Mohamed Salah qaatay abaalmarinada oo dhan.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.