Muxuu gudoomiye Mursal xukuumada uga beddeshay gudiga cusub ee maaliyada?

0
292

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kaso baxaysa go’aankii guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal uu is-beddelka ugu sameeyey guddiga maaliyadda baarlamanka ee lagu muransanaa.Mursal ayaa guddiga ka saaray xubnihii xukuumadda ay dhibsanayesay ee musuq-maasuqa ku helay, waxaana lagu beddelay xubno cusub oo ra’iisul wasaaraha uu soo xushay.Xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, oo codsaday inaan la magacabin, ayaa Caasimada Online u sheegay in Mursal uu go’aanka ku beddeshay in xilkiisa loo daayo, kadib markii xukuumadda ay ugu hanjabtay mooshin xil ka qaadis. Waxaa taas dheer in xilal loo magacaabo xubno isaga ku dhow iyo lacag.Dadka xilalka loogu ballan-qaaday ayaa waxaa ka mid ah la-taliyihiisa Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, oo horey u ahaan jiray taliye ku xigeenka labaad ee NISA, balse shaqadaas looga eryey lunsasho mushaarka shaqaalaha.Warar aan weli la xaqiijin ayaa sheegay in Jaamac laga yaabo in loo magacaabo taliyaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha, ama ku xigeenkeeda.Waxaa sidoo kale jira dhowr qof oo kale oo xilal qunsuliyado ama saafarado loogu ballan-qaaday Mursal, kuwaas oo ay qaraabo yihiin.Lacagta Mursal uu qaatay ayaa warar kala duwan ay kasoo baxayaan. Xildhibaanada qaar ayaa sheegaya inay tahay laba milyan oo dollar, halka qaar kalena ay sheegeen in lacagta ay gaareyso illaaa afar milyan oo dollar.Heshiiska Mursal iyo Kheyre ayaa la sheegay in la gaaray markii uu Kheyre kasoo laabtay dalka Qatar, ee uu xarunta wasaaradda waxabarshada kula kulmay Mursal, inkasta oo aysan caddeyn in lacagta ay bixisay dowladda Qatar iy in kale.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com  




SOURCE: Muxuu gudoomiye Mursal xukuumada uga beddeshay gudiga cusub ee maaliyada?

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.