Muxuu Khayre u go’aansaday inuu saq-dhexe booqdo dhaawacyada qaraxii shalay?

0
363

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa xalay booqday saqdii dhaxe (1:00am) booqasho ku tagay Isbitaalka Digfeer, oo la dhigay dhaawacyadii ugu badnaa ee qaraxii shalay ka dhacay Ex-Control Afgooye.
Caasimadda Online ayaa xog ku heshay in qaar kamid ah wasiirrada xukuumadda ay Ra’iisul Wasaaraha kula taliyeen in shalay duhurkii uu booqasho ku tago isbitaallada ay yaallaan dhaawacyada, balse uu ka diiday, isaga oo oo sabab uga dhigay in xilligaas aysan habooneyn in culeys dhanka amniga ah la dul saaro isbitalka oo dad badan ay ku qul-qulayeen xiligaas.
“Ehellada dadkii waxyeelloobay dhammaan iyo qof kasta oo qof ka maqan yahay wuxuu ku cararayaa Isbitaallada, haddii aan saddex saacadood jidadka xirno si aan u soo aragno, maxaan soo kordhineynaa?” Ayuu yiri Khayre sida aan ka soo xigannay mid ka mid ah wasiirradiisa.
“Aan ka shaqeyno in aan gargaar u helno dadkan oo uusan dhiman qof la badbaadi karay” ayuu raaciayay isaga oo kasii istaagaya shirka arrintaan looga hadlayay, sida aan xogta ku helnay.
Jidadka magaalada Muqdisho ayaa la xiraa xilliyada ay madaxweyanha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay booqshiiyinka ku dhex sameynayaan gudaha magaalada Muqdisho iyo marka ay ka dhoofayaan garoonka Aadan Cadde, taas oo caqabad ku noqota isu socodka magaalada.





SOURCE: Muxuu Khayre u go’aansaday inuu saq-dhexe booqdo dhaawacyada qaraxii shalay?

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.