Muxuu salka ku hayaa khilaafka ka taagan magaalada Jigjiga ee u dhaxeeya madaxda Soomaalida

0
378

Jigjiga (Caasimada Online)-Waxaa wali xiisad xoogan ay ka taagan tahay magaalada Jigjiga oo caasimad u ah maamulka Somaalida Ethiopia, kaasi oo salka ku haya isqabqabsi u dhaxeeya madaxda sare ee maamulka.Khilaafka ayaa  u dhaxeeya wasiirka maaliyadda Federaalka Ethiopia iyo madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, kaasi oo ka dhashay kadib markii la isku qabtay in xubno kamid ahaa xukuumadii Cabdi Maxamuud Cumar lagu diro xukuumadda cusub.Wararka ayaa sheegaya in Mustafa Cagjar uu kabaxay shir ka dhacay magaalada Addis Ababa kaasi oo u dhaxeeyay Axmed Shide oo ah wasiirka maaliyadda Ethiopia iyo isaga, kadib markii qodobo kala duwan ay isku qabteen.Shirka uu ka baxay Mustafa Cagjar ayaa la sheegay inuu sidoo kale qeyb ka ahaa ra’iisul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed, waxaana Mustafa oo ku laabtay magaalada Jigjiga uu amray in ciidamada amaanka heegan ay galaan.Madaxeyne Mustafe Cagjar ayaa doonaya in xubnaha kamid ah maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar gabi ahaanba aysan kasoo muuqan xarumaha kala duwan ee maamulka Soomaalida.Ciidamada badan ee lagu daadiyay magaalada ayaa la doonayaa inay ka hor tagaan qalalaaso ka dhaca magaalada, waxaana maanta kulan gaar ah yeelan doona golaha wasiirada, isaga oo madaxweynaha uu shir guddoomin doono.Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com




SOURCE: Muxuu salka ku hayaa khilaafka ka taagan magaalada Jigjiga ee u dhaxeeya madaxda Soomaalida

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.