Muxuu Xoghayaha cusub ee QM ka badali karaa Siyaasadda Soomaaliya+Dhageyso

0
226

Muqdisho (Caasimada Online)-James Swan oo ah Diblumaasi u dhashay dalka Mareykanka ayaa loo magacaabay inuu noqdo xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaanaya Soomaaliya, kadib markii horaantii sanadkaan dowladda Soomaaliya ay ceyrisay Nicholas Haysom.Dadka falanqeeya Siyaasadda arrimaha Soomaaliya ayaa sheegaya in James Swan ay suuragal tahay inuu wax badan ka badalo khilaafaadka raagay ee u dhaxeeya madaxda Dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, iyo xaaladaha kale ee siyaasadda Soomaaliya.James Swan, ayaa la rumeysan yahay inuu doorweyn ku lahaa qaab dhismeedkii loo diyaariyay maamul goboleedyada dalka, waxaana la sheegaa inuu saameyn ku lahaa siyaasadda Soomaaliya sanadihii ugu dambeeyay, gaar ahaan xiligii Xasan Sheikh Maxamuud.Cabdullaahi Cali Macow oo ah falanqeeye ka faalooda arrimaha Soomaaliya iyo gobolka, ayaa sheegay in James Swan loo badaniyo inuu wax badan ka badali doono xaaladda Siyaasadeed ee dalka.Korneyl Macow ayaa sheegay inuu Sidoo kale qeyb ka qaadan karo sidii maamulada iyo dowladda Soomaaliya ay iskuugu fahmi lahaayeen hanaanka doorashada ka dhaceyso dalka dhamaadka 2020.James Swan ayaa galaangal weyn ku leh arrimaha Soomaaliya, waxaana uu sidoo kale ka shaqeyn doonaa danaha Mareykanka ee Soomaaliya. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/05/Cod-Falanqeeyaha.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Muxuu Xoghayaha cusub ee QM ka badali karaa Siyaasadda Soomaaliya+Dhageyso

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.