Nabadoon Lagu Dilay Boosaaso

0
400

Faah faahin ayaa laga helayaa dil xalay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari loogu geystay mid ka mid ah nabadoonada ugu caansan gobolkaasi.
Nabadoonka la diley ayaa lagu magacaabayey Maxamed Saciid Cawaare, waxaana la sheegay in rag hubeysan ay gurigiisa ugu dhaceen, sidaasina lagu diley.
Booliiska Boosaaso ayaa saakay waxay howlgal ballaaran ka sameeyeen xaafadaha magaaladaasi, iyaga oo raadinaya dableydii dilka ka dambeysay.
Waxaa jira dad ay ciidamada ammaanka usoo qabteen dilkan, balse faah faahin intaan ka badan ma aanay bixin saraakiisha howlgalkaan hoggaamineysa.
Ma jirto cid sheegatay dilka Nabadoon Cawaare, iyadoo Boosaaso ay marar badan ka dhaceen falal amni darro.
Goobjoog News




READ MORE FROM THE SOURCE: Nabadoon Lagu Dilay Boosaaso

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.