Nabarka madoow: Gargaarka Degdegga ah

0
410

Nabarka madoow wuxuu sameysmaa marka jug ay dilaaciso xididdada ku yaalo hareero maqaarka, tani waxey sababeysaa in dhiig yar uu kasoo baxsado uu galo gudaha nudaha ka hooseeyo maqaarka. Dhiiga galo gudaha nudaha waxaa laga yaabaa in marka ugu horeysa uu u ekaado calaamad buluug iyo madow xigeen ah, kedibna uu midabka isbedelo xiliga bogsashada. Waxaad dedejin kartaa bogsadha nabarka madoow hadii aad isticmaashid farsamooyin fudud sida: Nasi halka nabarka madow leh Baraf saar nabarka madow oo ku haay muddo u dhexeysa 10-20 daqiiqadood, ku celiceli marar badan Riix nabarka madow hadii uu soo bararaayo, ku cadaadi adigoo isticmaalayo wax jiidmaayo ee lagu dhayo nabarada. Kor uqaad meesha dhaawacan Hadii maqaarka uusan dillaacsaneyn uma baahnid in dhaymo laguugu sameeyo, waxaad qaadataaoo kaliya kaniiniyada xanuun baabi’iyaha ah een laga gadan karo farmashiyaha Waxaad la tashataa dhaqtarkaaga hadii: Aad xanuun daran kadareentid hareeraha nabarka madow Aad dareemeysid xanuun saddex maalin kadib marka uu nabarkaas kusoo gaaray Nabarka madow uu weynaanayo ama uu kaaga yaalo xabadka, dhabarka ama wejiga Aad horay isugu ogeyd in jirkaaga uu marwalba si fudud ku dhaawacmo kedibna ku sameyno nabarada madow ama aad leedahay taarikh hore oo dhiigbax ah kedib qalliin laguugu sameeyay Aad aragtid in buro ay kusameysmeyso nabarka madow Aad aragtid dhiigbax meelo kale ka dhacaayo sida ilkaha iyo ciridka Aad isku aragtid nabar madow adigoon ogeyn sida uu ku sameysay Qoyskaaga uu leeyahay taariikh dhiigbax ah Calaamadaha kor ku qoran waxey sidoo kale ka dhigmi karaan iney jirto xaalado halis ah sida cillad kajirta habka jirka uu usameeyo xinjirta iyo xanuunada la xiriira dhiiga

The post Nabarka madoow: Gargaarka Degdegga ah appeared first on Barocaafimaad | Nolol Wanaag | Xanuunada | Wararka Caafimaadka.






READ MORE FROM THE SOURCE: Nabarka madoow: Gargaarka Degdegga ah

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.