NABIL FEKIR OO SOO BANDHIGAY GO’AANKIISA UGU DAMBEEYA EE UU UGU BIIRAYO LIVERPOOL.

0
137

mTababare Jurgen Klopl yaa dhawanahaanba aad u daba taagnaa Nabil Fekir oo ah Xidig uu si wayn ula dhacsan yahay Qaab Ciyaareedkiisa.

Fekir ayaa waxaa Liverpool ay Diyaar u tahay in ay kusoo xeo Galiso dhaqaale gaaraya 60 milyan.

Reds ayaa saxiixeedii ugu horeeyay waxaa ay ka dhigtay maalin ka hor Fabinho oo ay kasoo qaadatay Monaco.

Markii Fabinho uu si rasmi ah u dhamaystiray saxiixa heshiiska uu ugu soo biiray naadigan ayaa waxaa uu baaq cod dheer ah u diray Nabil Fekir isaga oo ka codsaday in uu kula soo biiro Liverpool.

Fekir oo ka jawaabaga baaqaasi ayaa yiri” Waan ka warqabaa baaqa kasoo yeeray Fabinho ee ku aadan ku biiristayda Reds hase ahaatee Go’aan kayga uu dambeeya waxaan qaadan doonaa marka uu soo idlaado koobka aduunka oo dhawaan furmi doona.

sida loo badibayo Nabil Fekir ayaa Noqon kara saxiixa labaad ee ay xagaagan samayso Liverpool inkastoo xidigan uu aad ugu dhaw yahay in uu si rasmi ah u yimaado An Field.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.