Istanbul (Caasimada Online) – Recep Tayyip Erdogan ayaa hogaaminaya doorashada Turkiga, ayada oo ilaa hadda la tiriyey 59% codadka la dhiibtay.
Erdogan ayaa haysta 56% codadka ilaa hadda la dhiibtay, halka ninka ugu dhow ee Muharrem Ince uu haysto 28%, sida warbaahintan dowladda ay ku warrantay.
Haddii Erdogan uu ku guuleysto wax ka badan 50% codadka, waxa ay taasi meesha ka saari doonta in wareeg labaad oo doorasho ah la galo sideedda bisha July.
Ka sokow doorashada, waxaa dadka codkooda ay ka dhiibteen doorashada baarlamanka, waxaana hoggaaminaya xisbiga madaxweyne Erdogan ee AKP, oo haysta 47% codadka illaa iyo hadda la dhiibtay.
Doorashada ayaa waxaa codkooda ka dhiibtayb 87% dadkii sharciga u lahaa inay codeeyaan.
Doorashada oo la qorsheeyey inay dhacdo bisha November ee sanadda 2019, ayaa waxaa soo hormariyey madaxweyne Erdogan.
Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
Caasimada@live.com
READ MORE FROM THE SOURCE: Natiijada doorashada Turkey: Erdogan oo si xarago leh ku hogaaminaya illaa hadda