Natiijada Wareega Koowaad ee Doorashada oo macno usii yeeshay doorashada Puntland

0
229

Garowe (Caasimada Online)-Natiijada wareega koowaad ee doorashada ayaa dhinac kale u riday rajadii ay lahaayeen musharixiin badan oo u taagan xilka madaxweynaha maamulka Puntland.Seddexda musharax ee hadda usoo gudubtay wareega ugu dambeeya ee doorashada ayaa waxaa dhexmari doono loolan adag oo ku aadan helida codadka ugu badan ee xildhibaanada baarlamaanka.Saciid Cabdullaahi Deni, Genaraal Asad Cismaan iyo Faarax Cali Shire ayaa iskugu soo haray wareega labaad ee doorashada, waxaana haddii uu midkood Tanaasulin lagu qasbanaan doonaa in wareeg seddexaad la aado.Waxaa meesha ka baxday rajadii ay lahaayeen musharax madaxweyne C/Welli Maxamed Cali Gaas iyo Musharax Eng Khaliif Jabiye oo aad loogu saadaalinayay doorashada maanta ka dhaceyso magaalada Garowe.Natiijada wareega Koowaad ayaa micno kale u yeeleysa doorashada, waxaana ay ka dhigan tahay in musharaxii Dowladda lagu tirinayay uu meesha ka baxay, iyadoo ay isku soo hareen musharixiin kale.Saciid Cabdullaahi Deni oo aad loo hadal hayay ayaa wuxuu u muuqdaa inuu noqon karo madaxweynaha Puntland, haddii uusan imaan isbadal kale oo xildhibaanada baarlamaanka ay sameeyaan.Natiijada wareega koowaad ee doorashada ayaa sidoo kale macno kale u sameysay doorashada madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, oo shaqsiyaad lagu tuhmayo dowladda Soomaaliya ay ku jiraan.La soco natiijada doorashada PuntlandCaasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com




SOURCE: Natiijada Wareega Koowaad ee Doorashada oo macno usii yeeshay doorashada Puntland

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.