Natiijooyin lama filaan ah oo kasoo baxay doorashadii ka dhacday Turkiga

0
254

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga madaxweyne Erdogan ee AKP ayaa si lama filaan ah guul-darrooyin xooggan ay ka gaareen doorashooyinka dowldaha hoose ee dalkaas, ayada oo looga adkaaday magaalooyinka waa weyn ee dalka.Musharaxa xisbiga mucaaradka ee duqa magaalada Istanbul, Ekrem Imamoglu ayaa 28,000 oo cod ka horreeya musharaxa xisbiga AKP ee talada haya Binali Yildirim, sida uu sheegay guddoomiyaha guddiga sare ee doorashada, Sadi Guven.Natiijada doorashadii dhacday axaddii, ayaa muujineysa in xisbiga madaxweyne Erdogan ee AKP uu sidoo kale lumiyey magaalada Ankara, taasi oo lama filaan noqotay.Imamoglu ayaa ku guuleystay 4,159,650 oo cod, halka musharaxa xisbiga AKP, ahna ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Binali Yildirim uu helay 4,131,761 oo cod, ayada oo ay hareen kaliya 84 sanduuq codadkooda oo aan weli la tirin.Labada musharax ayaa mid walba uu guul-sheegtay saacado kadib markii ay soo xirantay codbixinta magaalada ugu weyn ee dalkaas ahna xarunta dhaqaalaha dalka.Xisbiga Erdogan ayaa sidoo kale looga adkaaday magaalada Izmir, hase yeeshee taasi waxay ahayd mid la filayey, maadaama ay mucaaradka ku xooggan yihiin.Sababaha ugu weyn ee guul-darrooyinka xisbiga AKP kasoo gaaray magaalooyinka waa weyn ayaa loo sababaynayaa ayada oo bilihii ugu dambeeyey dhaqaalaha dalkaas uu ku yimid hoos u dhac.Si kastaba, marka laga soo tago guul-darrooyinka magaalooyinka, xisbiga Erdogan ayaa guud ahaan doorashooyinka ku guuleystay, inkasta oo guulahooda ay u badnaayeen magaalooyin yaryar.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com  




SOURCE: Natiijooyin lama filaan ah oo kasoo baxay doorashadii ka dhacday Turkiga

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.