NAYMAR OO MESSI FARIIN LAYAAB LEH U DIRAY.

0
76

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa jirtay xan ku aadan in Naymar uu u diyaar garoobay in uu si rasmi ah ugu biro kooxda Real.

Dhawaan waxaa uu sheegay Naymar in uu doonayo in uu isaga tago PSG hase ahaatee ma uusan soo hadal qaadin halka uu geedigiisa ku wajahan yahay.

Hadaba Naymar ayaa waxaa uu kala hadlay Xidigii ay isku kooxda ahaayeen ee Messi wax ka jira in uu u jihaysan doono kooxda Real Madrid.

Naymar waxaa uu u xaqiijiyay in uu ku biirayo kooxda real madrid ayna dhab tahay wararka suuqyada laysla dhexmarayo.

PSG ayaa xidigan waxaa ay ka dhigtay xidiga ugu qaalisan caalamka uguna mushaarka badan balse ciyaaryahankan gabi ahaanba kuma qanacsana in uu kooxdan usii ciyaaro.

Horay waxaa uu ugu cel celiyay in horyaalkaasi inuusan ahayn mid caalamka si wayn looga daawado sidaa darteedna uusan u qalmin in uu kasii ciyaaro.

Waa xidig aad ugu wanaagsan dhinaca ku bada cagta una dhashay Dalka Brazil balse dad badan oo u dhuun duleela arimaha ciyaaraha ayaa qaba in uu ku fududaaday in uu ku biiro PSG ayna taasi hoos u dhigtay kor u qaadista magaciisa.

Kooxda PSG haatan waxaa la wareegay macalin cusub mana cada sida ay isku fahmi doonaan naymar oo safar uu u xeran yahay iyo macalinkaasi.

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.