Newcastle United Oo Guuldaro Xun Dhabarka U Soo Saartay Man City, Iyo Rafa Benitez Oo Asxaan U Sameeyay Kooxdiisii Hore Ee Liverpool.

0
58

Manchester City ayaa guuldaro waji gabax ah kala soo laabtay kooxda Newcastle United inkasta oo ay City ahayd kooxdii hogaanka ciyaarta haysay qaybtii hore ee kulankan laakiin kooxda Rafa Benitez ee Newcastle United ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed geesinimo leh oo ay Man City dhinaca kale ugu dhigeen natiijadii ay goolka ugaga hor martay.
Manchester City ayaa inta badan ahayd kooxda gacanta sare ciyaarta ku lahayd qaybtii hore inkasta oo Newcastle United ay ciyaar adag oo isku dheeli tiran kala hortimid, laakiin guuldarada Man City soo gaadhay ayaa guul wayn u ah Liverpool oo aan wali ciyaarin kulankeeda Leicestre City.

Manchester City ayaa is arkaysa iyada oo 4 dhibcood ka hoosaysa Liverpool laakiin haddii ay kooxda Jurgen Klopp si buuxda barri uga faa’iidaysato guuldarada Man City soo gaadhay waxay soo ceshan doonaan 7 dhibcood ee ay Man City ka sareeyeen intii ayna Etihad Stadium guuldaradu ku soo gaadhin.
SHIXIHII NEWCASTLE UNITED VS MAN CITY
MAN CITY (4-3-3): Ederson; Kyle Walker, John Stones, Aymeric Laporte, Danilo; Fernandinho, David Silva, Kevin De Bruyne; Leroy Sane, Raheem Sterling, Sergio Aguero.
Kaydka: Arijanet Muric, Ilkay Gundogan, Bernardo Silva, Riyad Mahrez, Nicolas Otamendi, Gabriel Jesus, Phil Foden.
NEWCASTLE (5-3-2): Martin Dubravka; DeAndre Yedlin, Florian Lejeune, Fabian Schar, Jamaal Lascelles, Matt Ritchie; Isaac Hayden, Sean Longstaff, Christian Atsu; Ayoze Perez, Salomon Rondon.
Kaydka: Freddy Woodman, Ciaran Clark, Jacob Murphy, Kenedy, Federico Fernandez, Javier Manquillo, Callum Roberts.
Daqiiqadii 1 aad ee bilawgii ciyaartaba Manchester City ayaa goolkeeda furitaanka heshay waxayna u muuqatay in ay shaqadeedii caadiga ahayd ku qabsanaysay garoonka dhexdiisa kadib markii uu Sergio Aguero daah furay gool dhalinta kulankan.
Ciyaarta ayaa markiiba noqotay 1-0 ay Manchester City hogaanka ku qabtay waxayna waliba City sii laba jibaartay fursadaha ay goolka labaad ku raadinaysay laakiin Newcastle United ayaa bilawday in ay marka hore kooxdeeda u samayso dhiig joojin waxayna gashay difaacasho badan si ay marka hore Man City ugu hayso goolka kaliya.
Man City ayaa awoodi wayday in ay dhaafto Newcastle United inkasta oo ay heleen fursado ay xataa dhawr gool ku dhalin kareen balse difaaca Newcastle United ayaa kooxdooda ciyaarta ku sii hayay.
Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay Manchester City guul ugu taagnayd laakiin Rafa Benitez ayaa tatiko fiican la ciyaaray macalinka dalkiisa Spain ee Guardiola waxayna Newcastle United qaybtii labaad la soo baxday qaab ciyaareed ka duwan sidii hore.
Daqiiqadii 66 aad Newcaslte United ayaa ciyaarta dib ugu soo laabtay kadib markii uu S. Rondón dhaliyay goolka barbaraha ee ay qalbiga ku yeesheen ciyaartoyda iyo jamaahiirta Newcastle United waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1-1 ah.
Laakiin daqiiqadii 80 aad Newcastle United ayaa heshay goolkeeda labaad ee ay natiijada ciyaarta dhinaca kale ugu dhigtay kadib markii uu M. Ritchie awooday in uu rekoodhe lagu ciqaabay Fernandinho ku dhaliyay goolka labaad ee Newcastle United waxayna ciyaartu noqotay 2-1 ay gabi ahaanba ciyaarta dhinaca kale ugu dhigtay Newcastle United.
Guardiola ayaa isbadalo ku sameeyay shaxdiisa wuxuuna isku dayay wax walba oo uu awoodi karayay si uu kooxdiisa guuldaro uga badbaadiyo laakiin waxaa hortaagnayd koox saamayn kale la soo baxday taas oo keentay in Man City ay la soo laabtay guuldaro xanuun badan.
Ma aha markii kowaad, labaad balse waa markii saddexaad ee ay Manchester City xili ciyaareedkan guuldaro soo gaadhay kulamo ay la ciyaartay kooxaha yar yar oo ay waliba goolal ku hormartay laakiin waxay hadda kooxda Guardiola lumisay fursadii ay cadaadiska ugu sii hayn lahayd Liverpool.
Waxa hadda la sugaaba waa jawaabta ay Liverpool bixin doonto kulanka Anfield ee Leicester City iyada oo waliba Klopp uu la dhibtoonayo dhaawacyada badan ee kooxdiisa ku habsaday.
The post Newcastle United Oo Guuldaro Xun Dhabarka U Soo Saartay Man City, Iyo Rafa Benitez Oo Asxaan U Sameeyay Kooxdiisii Hore Ee Liverpool. appeared first on Latest football news.




SOURCE: Newcastle United Oo Guuldaro Xun Dhabarka U Soo Saartay Man City, Iyo Rafa Benitez Oo Asxaan U Sameeyay Kooxdiisii Hore Ee Liverpool.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.