NISA oo ‘heshay god weyn oo Shabab ay ku duugeen walxaha qarxa’ + Sawirro

0
274

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa goor-dhow shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen god wayn oo lagu xabaalay walxaha qarxa.Qoraal goor-dhow lagu baahiyey barta twitter-ka ee hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in walxan qarxa la doonayey in lagu dhibaateeyo shacabka.Qoraalkan ayaa waxaa sidoo kale raacsanaa sawirro muujinaya godka iyo hub aad u duugoobay oo laga soo saaray.NISA ma aysan shaacin halka uu ku yaallo godkan iyo goorta gacanta lagu soo dhigay, hase yeeshee waxaa qoraalka lagu sheegay in tani ay suurta-gelisay wada-shaqeyn laga helay shacabka.Arrintan ayaa iamneysa ayada oo sidoo kale dhowaan ciidamada dowladda ay sheegeen inay gacanta ku dhigeen keyd hub ah oo Al-Shabaab ay ku lahaayeen duleedka Muqdisho.Ciidamada dowladda ayaa sare u qaaday howl-gallada ka dhanka ah koxoda Al-Shabaab, xilli ay aad u kordheen qaraxyada iyo weerarada ay koxodan ka fuliso magaalada Muqdisho.Hubka ama baabuurta qarxa, ee inta badan ciidamada dowladda ay sheegaan inay gacanta ku dhigaan, ayaan u muuqan kuwa meesha ka saara weerarada iyo qaraxyada kooxda Al-Shabaab. Caasiamda Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com




SOURCE: NISA oo ‘heshay god weyn oo Shabab ay ku duugeen walxaha qarxa’ + Sawirro

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.