NISA oo shaacisay in dal Shisheeye uu ku lug lahaa qaraxii Ex Koontarool

0
75

Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa qoraal ay goor dhow ku shaacisay barteeda Twitter-ka waxay ku sheegtay in Madaxda dalka ay u gudbiyeen warbixin bilow ah oo ku saabsan qaraxii Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay Muqdisho.

Qoraalka NISA ayaa lagu sheegay in Madaxda qaranka ay la wadaageen in xasuuqa shacabka Soomaaliyeed loo geystay 28 bishan December uu qorsheyntiisa lahaa dal shisheeye, inkastoo aan la magac dhabin dalkaas.

“Waxaan madaxda qaranka ugudbinay, warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, uu qorshayntiisa lahaa Dal shisheeye. Baariitaanka socda si loo dhamaystiro, waxaan la kaashan doonnaa Hay’adaha sirdoonka Caalamka qaarkiis”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay NISA.

Hase ahaatee goor sii horeysay warbixin lagu daabacay jaraa’id lagu magacaabo Yeni Safak oo laga leeyahay dalka Turkiga waxaa lagu eedeeyay Imaaraadka Carabta inuu ka dambeeyay weerarki ka dhacay Muqdisho Sabtidii uu amarkeeda lahaa Amiir Mohamed Bin Zayed.

Halkan hoose ka akhriso warka NISA

The post NISA oo shaacisay in dal Shisheeye uu ku lug lahaa qaraxii Ex Koontarool appeared first on Jowhar Somali Leader News.




SOURCE: NISA oo shaacisay in dal Shisheeye uu ku lug lahaa qaraxii Ex Koontarool

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.