Ogeysiis Dufcadda 5-aad ee Tababarka Mashruuca Next Economy

0
854

SOS

 

 

 

 

 

SOS Children’s Village Somalia waa Hay’ad caalami ah kana shaqeysa horumarinta arrimaha bulshada, daryeelka caruurta waayey daryeelkii waalidnimo ama khatar ugu jira in ay waayaan.

SOS waxay Kobcin iyo Tababaro lagu xoojinaayo awoodoodda xagga wax soosaarka u samaysaa qoysaska aan awoodin inay caruurtooda siiyaan daryeelkii ay u baahnaayeen.

SOS waxay sara u qaadeysaa xuquuqda caruurta iyo dhallinyarta waxaayna ku howlan tahay ilaalinta xuquuqdooda. SOS Childrens’ Village Somaila, sidoo kale waxa ay magaalada Muqdisho ka fulinaysaa barnaamijka loogu magacdaray “the Next Economy” oo ah barnaamij shaqo abuur iyo shaqo raadis oo lagu tala galay dhalinyarta aan shaqeeynin misna dhameysatay heerarka wax barashosida, Dugsiga farsamada gacanta, dugsi dhexe/sare, iyo dhallinyarta dhigata ama dhammeysatay waxbarasho jaamacadeed.

Haydaha SOS Children’s Village Somalia, 1% Club, SOS Children’s Village Netherlandwaxa ay si wadajir ah u fulinayaan mashruuca Next Economy iyagaoo tababaro siinaya dhallinyarta caqabaduhu ka heystaan in ay ku xirmaan suuqyada shaqada ama u baahan in laga caawiyo si ay shaqo fiican u helaan ama ay u bilaaban lahaayeen ganacsigooda gaarka.

Hay’daha SOS Children’s Village Somalia, 1% Club, SOS Children’s Village Netherland waxa ay ku wargelinayaan dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarta ku nool Magaalada Muqdisho in uu billaabanayo mashruuca the Next Economy oo dhallinyarta ka taageeri doona dhinacyada shaqo abuurka iyagoo qaadan doona tababaro kala duwan muddo sedex bilood ah oo ku saabsan,

  1. Sida loo Samaysto/abuurto- Ganacsi
  2. Sida loo raadiyo loona helo shaqo wanaagsan – Shirkadaha ganacisga, dawlada, hay’adaha maxaliga, iyo hay’adaha caalamiga

Mashuurca “the Next Economy” oo soo bilowday 2016-kii ilaa iyo hadda waxaa ka faa’idaystay dhallinyaro isugu jira Hablo iyo Wiilal oo tiro ahaan gaaraya 400 oo Qof sanadkaan 2019 waxaa la qaadanayaa dufcadii shanaad oo tiro ahaan gaaraya 100 (gabdho iyoWiilal).

Shuruudaha laga Rabo Dhallinyarada

  1. Dada: 18 – 35 Sano
  2. HeerkaWaxbarasho:
  1. Dugsi H/DH- dhamaystay
  2. Dugsiga farsamada gacanta–Ku jira ama dhamaystay
  3. Jaamacad – Ku jira ama dhamaystay
  4. Waa inuu yahay qof u heellan inuu shaqo helo ama uu abuurto isagu
  1. Waa inuu yahay qofka bad qaba noocyada kala duwan ee balwadaha

 

Haddii aad danaynayso Fursadaan fadlan Soo dir Codsi (Application) iyoTariikhada Nolaleedkaaga (CV), adiga oo ku soo hagaajinaya E-mail ka hoos Ku xusan ka hor 4-ta Abriil,2019.

E-mail:next.economy.sos@gmail.com,  ama gacanta ku keen xarunta hay’adda Iftin Foundation ee waddada Makka Al-mukarama dhanka dambbe ee Midnimo Supermarket adigoo la soo xariiri kara 0618417095.

FG. Fadlan qofkii horey u soo codsaday dufcaddii shanaad (batch 5) ee la xayeysiiyey bilowgii sanadkaan 2019 uma baahna inuu dib u soo codsado.

 

Waxii faahfaahin intaasi dheer fadlan booqo Website: www.next-economy.com

 

 

IFTIN FORTASOS






SOURCE: Ogeysiis Dufcadda 5-aad ee Tababarka Mashruuca Next Economy

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.