OGOOW QORSHAHA PEP GUARDIOLA EE SUUQA KALA IIBSIGA CIYAARTOOYDA.

0
147

Kooxda Mancty ayaa guluf aad u wayn waxaa ay ku qaadaysaa suuqa kala iibsiga Ciyaartooyda ee maalinta Beri ah si rasmi ah u furmi doona.

Macalin Pep Guardiola ayaa doonaya in xagaaga nasoo aadan ay sameeyaan Bandhigga ay sameeyeen  Xili Ciyaareedka Dhawaan dhamaaday oo kale.

Waxaana haatan uu u dhaqaaqay soo xero gelinta ilaa 5 xidig oo kooxdiisa kusoo kordhin kara isbadal aad u wanaagsan.

Xidiga Isco ayaa kamid ah Bartilmaameedyada Macalin Pep Guardiola isagoona isku dayi doona in markale uu ka dhaadhiciyo kooxda Real in ay ka iibiyaan City.

Hadaba 5ta Xidig ee uu Doonayo Guardiola in uu kasooo qaaato suuqa kala iibsiga ciyaartooyda ayaa kala ah.

1) Sergio Busquets

2) Leon Bailey

3)  Isco

4)  Jorginho

5) Riyad Mahrez

Xidigahan ayaa qorshuhu yahay in ay ka caawiyaan Mancity xili ciyaareedka soo socda in ku guulaysato Koobab aad u muhiim ah oo ay ugu horeeyaan Premier Leage iyo Champions Leage.

Inkastoo xili ciyaareedkan ay si xarago leh City ugu guulaysatay Premier Leage hadana dad badan ayaa waxaa ay is waydiinayaan in Pep uu awood u yeelankaro in uu sii wato iskoorada muhiimka ah ee uu dhawaan sameeyay.

Waxaa si wayn loo wada xusuustaa waxa ku dhacay Xili Ciyaareedkan Chalsea oo Kal hore sameeysay Bandhig  aad u wanaagsan oo ay ku guulaysteen Horyaalka.

Balse la arki doonee Halka uu ku hogaamiyo Pep Gu’ardiola Man City.

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.