OGOOW SIRTA KU HOOS DUUGAN FINALKA F’A CUP OO AY CIYAARAYAAN MAN UNITED IYO CHALSEA.

0
47

Waxaa maanta lasoo gaba gabayn doonaa  Tar tanka Koobka aadka u xiisaha Badan ee F A-Cup oo ay ciyaarta kama dambaysta ah isku wajihi doonaan kooxaha Chalsea iyo Manchester United.

Kulankaan waxaa uu kusoo aadayaa xili cadaadiskii ugu waynaa uu saaran yahay Macalinka Kooxda Chalsea Waayo waxaa uu ku soo fashilmay in kooxda uu ku hogaamiyo in ay ku dhamaysato 4ta koox ee ugu saraysa kala horayn Horyaalka Premier Leage ee Dhawaan lasoo gaba gabeeyay ayna si xarago leh ugu Guulaystay Naadiga Mancity.

Tababare Jose Mourinho ayaa Kulankaan waxaa uu xidigahiisa Garoonka lasoo galayaa isaga oo aad u fahansan in kooxdiisa ay kaalin wanaagsan uga dhamaysatay Premier Leage isalmarkaana ay ka qayb gali doonaan xili ciyaareedka nasoo aadan Tartanka Champions Leage.

Sidaa Daraadeed Xiiso aad u wayn ayuu u qabaa in koobkan aadka u quruxda badan Kor u qaado Mudo kadib.

Warbaahinada qaar ee wax ka qora arimaha Ciyaaraha ayaa kulankaan ka hor waxaa ay ka faaloonayaan Natiijada  laga filan karo iyo bal shaxda Macquulka ah ee labada dhinac  ay lasoo shartagi karaan.

Daily Mail ayaa daabacay shax guud oo labada koox xidigo kala matalaya ay kasoo muuqdeen.

Maadaama Cadaadiska Saaran Chalsea uusan saarnayn Man U Waxaa muuqata in shaxdaan in teeda badan ay kasoo muuqdeen xidigha United halka xidigo kooban laga soo xushay Chalsea.

Ilaa iyo 8 xidig ayaa shaxda uga jira Man united halka Chalsea ay ku matalayaan ilaa 4 Xidig.

Halkaan Hoose ka Akhriso Shaxda.

Xidigaha ku matalaya chalsea shaxdan ayaa kala ah Azpilicueta’Alonso’Kante iyo Hazard.

Iyadoona dhanka kale 8da xidig ee United Matalaya ay kala yihiin Gool haye De Gea,Bailly,Valencia,Matic,Pogba,Sanchez,Rumelu Lukaku.

Shaxdaan markaad eegto waxay noqon kartaa mid aad cajiib ah oo ay bahda Daily Mail Dareenkooda ku cabireen.

Hadaba Akhriste Maxaa kaaga baxay Shaxdan isku dhafka ah.

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.