OGOOW WAX WALBA OO AAD UGA BAAHANTAHAY KULANKA MAN UNITED VS WEST HAM UNITED.

0
85

Kooxda Man United ayaa Booqan doonta Garoonka West Ham United iyadoo kulankaan uu kamid  yahay mid kamid ah kulamada Baaqiga u ahaa labadan Naadi.

Marka la eego labada koox  majirto cid ay muhiimad gaar ah u leedahay in ay guul garoonka kala baxaan waayo kooxda Man united waxaa ay xaqiijisay in ay kaalinta labaad ku dhamaysan karto halka West Ham ay sii ogaatay in ay baaqi ku sii ahaan doonaan ka ciyaarista Horyaalka Premier Leage.

Hal u jeedo ee la dhihi karo united ayaa kulankaan waa ay ka damacsan tahay ayaa ah in ay ku ilaawda guusha ay kulankaan ka rajeenayso guul daradii xanuunka badnayd ee kasoo gaartay dhawaan Brighton.

Kulanka: West Ham United Vs Man United

Wakhtiga: 9:45pm Xiliga Geeska Africa.

Garoonka: London Satadium

XAQIIQDA LABADA KOOXOOD.

Red Develis ayaanan Badinin kulankoodii ugu dambeeyay tan iyo xili ciyaareedkii 2011-2012kii markii ay garaaceen Senderland balse nasiib daro horyaalka ayay u waayeen Man City.

Jose Mourinho waxaa lawada og yahay inuusan waligii Guul daro kala kulmin Tababare David Moyes Horyaalka Premier leage Jose ayaa Garaacay West Ham ilaa 7 kulan halka uu bar baro ku celiyay 3 kulan oo kale.

Chicharito ayaa noqon kara xidigii 23aad ee premier leage gool u saxiixa Man United hada iyaga ka dhaliya Horyaalka Premier leage 3dex kamid ah 22ka xidig ayaa waxaa kamid ah Romelu Lukaku, Alex Sanchez, iyo Hanrikh Makhitaryan kuwaa oo si isku imid ah xili ciyaareedkan u sameeyay recod-kaasi.

Kooxda West Ham ayaa Kuftay laba kulan oo xiriir ah ilaa janaayo 2017kii.

Halka kooxda United aysan guul daro la kulmin 2ba kulan oo xiriir ah  ilaa may 2017kii.

Jose Mourinho waxaa uu fahan san yahay in xidigahiisa ay awood u leeyihiin in ay 3dex dhibcood oo nadiif ah garoonka kala tagi karaan maadaama si joogta ah uu kooxdan uga badiyay.

.

 

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.