OIC oo golaha ammaanka QM u dirtay fariin la xiriirta xayiraadda hubka Somalia

0
296

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay ururka Islaamka adduunka ee OIC ayaa waxaa Golaha Ammaanka QM looga dalbaday in shuruud la’aan ah cunaqabateynta Hubka looga qaado Somalia oo kasii baxeysa dhibaatooyinka amni darro.Kooxdan ayaa qoraalkooda ku muujisay baahida loo qabo in Somalia si buuxda looga qaado Cunaqabateynta Hubka ee sanadaha badan saran.Waxaa lagu sheegay qoaraalka in Kooxda xiriirka ka tirsan ururka OIC ay shir heer Wasiiro ay ku qaban doonaan magaalada Muqdisho 27 October 2018.Shirkan ayaa xoogga lagu saari doonaa Nabadda, Dhismaha dowladnimada iyo sidii xasilooni iyo dimoqoraadi looga hirgelin lahaa Somalia oo xiligani u xuubsiibaneysa wax la qeybsiga adduunka.Shirka ayaa waxaa Madaxtooyada Somalia u matali doono Wasiirka arrimaha dibadda Somalia oo isagu horay uga qeybgalay shirar ceynkaasi ah.Qoraal ay horay ugu sii gudbiyeen QM ayaa waxa ay Kooxdan Golaha ammaanka uga dalbadeen in ay si buuxda cunaqabateynta hubka uga qaadaan Soomaaliya, si loo dedejiyo dhismaha hey’adaha amniga ee Soomaaliya, isla markaana looga adkaado Al-Shabaab.Xafiiska OIC ee Soomaaliya ayaa sidoo kale la sheegay in lagu hormarin doono siyaasadda iyo arrimaha dhaqan-dhaqaale, qeybna ka qaato sidoo kale dib u heshiisiinta.Dowlada Somalia ayaa culeys weyn ku qabta cunaqabateynta Hubka ee saran, iyadoo sida looga qaadi lahaa u kaashaneysa wadamada saaxiibada la ah iyo Ururada ku caanbaxay ka doodista arrimahaasi.Dhawaan ayey aheyd markii Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu golaha ka dalbaday in Somalia laga qaado cunaqabateynta saran si looga guuleysto Al-Shabaab.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: OIC oo golaha ammaanka QM u dirtay fariin la xiriirta xayiraadda hubka Somalia

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.