ONLF oo ku dhawaaqday xabbad joojin iskeed ah iyo go’aano lama filaan ah

0
304

Nairobi (Caasimadda Online) – Jabhadda ONLF ayaa magaalada Nairobi maanta kaga dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac, ka dib muddo tobanaan sano ah oo ay dagaal kaga soo hor jeedday dawladda Itoobiya.
Qoraal ay soo saareen ayey ku sheegeen in xabbad joojinta oo dhaqan galaysa 12ka duhurnimo ee 12ka Agoosto ay salka ku hayso “baaqa nabadeed ee hogaamiyaha Itoobiya Abiy Axmed, iyo talaabooyinka ay xukuumaddu qaadday ee ay aasaaska ugu dhigayso wadahadallo nabadeed”.
“Waxaan u aragnaa in xabbad joojintu ay dadkeenna maslaxad u tahay”, sidaa waxaa yiri C/qaadir Xasan Hirmooge (Caddaani), afhayeenka ONLF, oo BBC u warramayey isagoo jooga Nairobi.
“Waxaan diyaar u nahay in maadaama dadkayagu ay muddo dheer dulmi tirsanayaan, in miis dushii lagu xalliyo dhibaatooyinka aan tirsanayno oo aaya ka talin ka mid tahay oo nabad gelyo ka mid tahay, oo xuquuqo badan oo kale ka mid yihiin” ayuu sii raaciyey Caddaani.
Wuxuu sheegay in arrinta xabbad joojinta halka dhinac ah ay isla soo qaadeen dawladda Itoobiya.
Itoobiya weli wax jawaab ah kama aysan bixinin baaqaas.
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: ONLF oo ku dhawaaqday xabbad joojin iskeed ah iyo go’aano lama filaan ah

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.