Oomaar oo lagu eedeeyey inuu dad badan ehelnimo ku shaqaaleysiiyey (Xog)

0
238

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa lagu eedeeyay in uu Musuq Maasuq xoog leh uu kawada Wasaaradda waxaana qayla dhaan xoog leh muujinaya dhalinayaro muddo kabadan 2 sano ka shaqaynaya Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.Qaar kamid ah dhalinyaradaan oo ka shaqeeya Wasaaradda Gaadiidka ayaa Caasimada Online u sheegay in Wasiirka dad badan oo qaraabadiisa ah uu ka shaqaalaysiiyay hey’adaha kala ah, ICAO, SCAMA iyo FAVORI LLC isagoo geeyay dad badan 20 qof oo ah dhalinyaro qaraabadiisa ah.Wasiir Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa la sheegay in uu shan qof ka shaqaalaysiiyay hey’adda ICAO, halka 5 qof oo kale uu ka shaqaalaysiiyay SCAMA iyo 12 qof oo uu ka shaqaalaysiiyay Shirkadda Turkiga ah ee Garoonka maamusha taas oo lagu magacaabo FAVORI LLC.Wadarta dadka uu shaqaalaysiiyay bilooyinkii la soo dhaafay ayaa ah 22 qof oo dhamaantood ka soo jeedo hal beel oo qoyskiisa ah. Qaar kamid ah dhalinyarada la shaqaalaysiiya ayaa laga keenay degaano ay ku badan yihiin beesha wasiirka.Dhalinyaro ka badan Sodomeeyo kale ayaa ku sugan Garoonka kuwaas oo aan qaadan wax lacag balse rajo ka qaba in ay helaan GUNNO ama la shaqaalaysiiyo laakiin waxay walaac ka qabaan dhalinyarada kale ee ka imaanaya Gobalada kuwaas oo si toos ah u shaqa gala lana siiyo mushaar fiican.Dhallinyaradan ayaa sheegay inay caddaalad darro tan ugu weyn tahay in ayaga oo muddo lkacag la’aan ku shaqeynayey, una sabrayey dowladda, lagu dul keeno dad kale.Caasimada Onmline Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com




SOURCE: Oomaar oo lagu eedeeyey inuu dad badan ehelnimo ku shaqaaleysiiyey (Xog)

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.