PAUL POGBA OO KA HOR KOOBKA DUNIDA SAMAYNAYA ALLE U DHAWAANSHO.

0
208

warar ka imaanaya kooxda Machester United ayaa waxaa ay sheegayaan in Xidiga Khadka dhexe uga ciyaara kooxdaasi ee lagu magacaabo PAUL POGBA uu dib ugu laabtay Dalka Sacuudiga si uu maalmo ugu qaato gudaha dalkaasi Bisha Barakaysan ee Ramadan iyo in uu Cumaraysto.

Magaalada Barakaysan Ee Makah ayuu booqasho ku tagay halka sidoo kalena uu doonayo inta uusan bilaaban kooba aduunka in uu soo Cumaraysto.

Xidigan ayaa waxaa uu Bartiisa Twitterka soo dhigay Muuqaal kooban oo uu ku shaaciyay Hadal aan dheereyn oo ahaa”Kaliya Qofka Halkaan Yimaada ayaa Fahmi kara waxa aan Dareemayo Waxaan Rajaynayaa Dadka aysan u suur galin in ay halkaan yimaadaan in maalin uun ay imaan doonaan.

“Waa meel aad u qurux badan Ma sharixi karo Farxadayda Insha allah (Haduu Alle Idmo) Maalin waad imaan doontaan ayuu hadalkiisa kusoo koobay Xidigan kooxda Man United u Ciyaara.

Waa xidig u dhashay dalka france kana mid ah Ciyaaryahanada la Qorsheeyay in ay Xulkaasi ku matalaan koobka Aduunka.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.