PEP GUARDIOLA OO QIIMO WAALI AH KUSOO QAADANAYA RIYAD MAHREZ.

0
158

Mudooyinkaanba indhaha Pep Guardiola ayaa waxaa ay si toos ah ugu sii jeedeen xidigan Riyad Mahrez waxaana uu doonayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan uu u keeno garoonkooda etihad stadium.

City ayaa waxaa ay kusoo qaadanaysaa xidiga Riyad Mahrez ee kooxda Leicester City aduun lacageed oo gaaraya 75 milyan oo uero.

Dailay malil ayaa shaacisay in la fahansan yahay in Guardiola uu doonayo in uu soo gaba gabeeyo saxiixa xidigan todobaadka nasoo aadan.

Warar kale oo soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in kooxda Lieceter City ay doonayaan xidiga kooxda Man City ee Patrick Roberts balse ma cadda In si qasab ah ay qayb uga dhigidoonto Leicester bixinta Mahrez.

Waxaa la fahansan yahay in Pep Guardiola uu aad u qorshaynayo in uu si wanaagsan uga adeegto suuqa kala iibsiga ciyaartooyda isaga oo sidoo kale Doobirka uu u saran yahay xidigo kale oo kooxda ay baahi aad u wayn  u qabto.

Man city waxaa ay u ahayd xili ciyaareedkii dhawaan dhamaaday mid ay si wayn u najaxday maxaayeelay waxaa subaxnimo ay xaqiijiyeen ku guulaysiga Horyaalka Premier Leage taa oo kalsooni badan gelisay Jamaahiirta kooxdan.

Waxaana Tababarahan uu doonayaa in wacdaro kaa lamid ah uu sameeyo xili ciyaareedka dambe.

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.