PEP GUARDIOLA OO RAADINAYA INIESTA.

0
158

Kooxda Mancity ayaa waxaa ay u tafa xaydatay raadinta xidiga dhawaan isaga tagay kooxda Barcelona ee Andre Iniesta iyaga oo ka damacsan in ay u dhiibaan boos muhiim ah.

Qorsha Pep Guardiola ayaa waxaa uu yahay in Halyeeygan ay u dhiibaan booska lagu wado in uu baneeyo Mikel Arteta oo si wayn loola xiriirinayo in uu noqdo Tababaraha Cusub ee Kooxda Arsenal.

Iyadoona Maamulka City ay u arkaan qofka kaliya ee booskaasi buuxin kara in uu yahay Andre Inesta.

Arteta ayaa waayo wanaagsan ku qaatay kooxda Arsenal waxaana uu mar u soo noqday kooxda Kabtan balse wararku ayaa waxaa ay sheegayaan in uu shaqsi ahaantiisa u sheegay Macalin Pep in uu doonayo in uu xilkaasi si rasmi ah ula wareego.

Durbadiiba waxaa ay ka aqbaleen codsigeesa iyagoona u dhaqaaqay iniesta oo ilaa haatan aanan helin wax shaqo ah.

Wargaysyada Qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in City Durbadiiba wadahadalada ay horumaro ka sameeysay ayna ku qancinayaan Iniesta in uu caawiye u noqdo Pep Guardiola oo mar Tababare ugu soo noqday intii uu joogay Barcelona.

Iniesta waa xidig aad ugu wanaagsan kubada cagta dhawaan waxaa uu sheegay inuusan doonayn in uu yurup kasii ciyaaro hase ahaate su’aashe is waydiinta mudan ayaa ah maka Faa’idaysan doona Fursadan Qaaliga ah ee soo doonatay.

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.