Pep Guardiola Oo Shaaciyey In Mugdi Ku Jiro Mustaqbalka Mid Ka Mid Ah Rukunnada Manchester City

0
63

Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City, Pep Guardiola ayaa qirtay in aanu weli caddayn mustaqbalka mid ka mid ah ciyaaryahannada ugu muhiimsan kooxdiisa, kaas oo dhaawacyo soo nonoqday haleeleen.
Manchester City ayaan weli go’aan ka gaadhin inay heshiis cusub u bandhigto Kabtankeeda Vincent Kompany oo dhamaadka xili ciyaareedkan uu ku egyahay qandaraaska uu kula jiro, waxaana uu tababare Pep Guardiola xaqiijiyey in aanay weli kala hadal laacibkan inuu heshiis cusub u saxeexo iyo in kale.
Kompany oo ay da’diisu tahay 32 jir, ahna kabtanka ayaa uu tababaruhu sheegay inay u dhibaatoodaan marka uu ka maqan yahay, laakiin xaaladdiisu tahay mid taagan oo aanay cidina u dhaqaaqin.
“Arrintiisu waa mid taagan oo ay ka hadli doonaan Vincet, kooxda, isaga iyo wakiilkiisuba.” Sidaas waxa yidhi tababare Pep Guardiola.
“Shaki nagagama jiro tayadiisa, waananu tabnaa marka aanu noo ciyaaraynin. Muhiim ayuu noo yahay, waa kabtankayaga, garoonka gudihiisana shaqada uu ku qabtana kuwo tiro yar oo kaliya ayaa noo qaban kari lahaa.” Ayuu ku daray.
Intaa kaddib tababare Guardiola waxa uu tilmaamay waxay tahay dhibaatada haysata laacibkan, waxaanu yidhi: “Waa ciyaartoy wanaagsan, laakiin xaqiiqadu waxay tahay shantii sannadood ee ugu dambeeyey inyar oo xaqiiqdii yar ayuu ciyaaray. Waa taa arrinta jirta ee ay miiska saarani, kooxduna waxay kala hadli doontaa wakiilkiisa si loo gaadho xal u wanaagsan labada dhinacba.”
Guardiola waxa kale oo uu tilmaamay in go’aanka ugu dambeeya ee ciyaartoygani aanu isaga u oollin, waxaanu yidhi: “Waxa jirta waqti ay xaaladdu ka sarrayso cid walba oo kale. Waa sababta aan u leeyahay go’aankayga maaha. Waa mid u taalla isaga, sida Sergio (Aguero), sida David (Silva), sida Mr Toure oo waqti hore ahayd. Waa go’aan ay tahay inay kooxda la gaadhaan.”
Si kastaba ha ahaatee hadalka tababare Pep Guardiola ayaa u muuqda mid caddaynaya in difaacyahanka reer Belgium uu ka tegi doono dhamaadka xili ciyaareedka haddii aanay xagga dambe wax iska beddelin.
 
The post Pep Guardiola Oo Shaaciyey In Mugdi Ku Jiro Mustaqbalka Mid Ka Mid Ah Rukunnada Manchester City appeared first on Latest football news.




SOURCE: Pep Guardiola Oo Shaaciyey In Mugdi Ku Jiro Mustaqbalka Mid Ka Mid Ah Rukunnada Manchester City

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.