PHILIPPE COUTINHO OO DOORTAY LABA XIDIG OO WACDARA KA DHIGI KARA KOOBKA ADUUNKA HADABA MAAHA MESSI IYO RONALDO.

0
181

Xidiga reer Brazil una ciyaara kooxda Barcelona Philippe Coutinho ayaa waxaa uu ka hadlay laba xidig uu aaminsan yahay in xili ciyaareedkan koobka aduunka ay wacdaro ka dhigi karaan.

Sida caadada ah koobka aduunka waxaa isha si joogta ah caalamka loogu hayaa xidigaha Portugal iyo Argentine kasoo kala jeeda ee kala ah Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi waxaana la filayaa in markoodii ugu dambaysay ay xulalkooda ku matalaan Koobka Dunida.

Hadaba xidiga dhawaan ku biiray Barcelona Philippe Countinho ayaa aaminsan in xili ciyaareedkan Dunida isha ku hayso xidigaha kala ah Maxmed Salaax iyo Naymar halka laga soo jeestay sida uu hadalka u dhigay xidigihii hore.

Waxaa uu yiri xidigahan waxay fursad badan u haystaan in ay soo bandhigaan kubad cajiib ah waxaana uu qabaa rajada ugu badan.

Naymar iyo maxamed saalax waa laba xidig oo Bandhigyadooda ay aad u wanaagsanaayeen mudooyinkan balse waxaa looga fadhiyaa in xulalkooda ay u horseedaan guulo iyo ciyaaro aad u qurxoon.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.