PSG OO DALAB WAALAN USOO BANDHIGTAY CRISTIANO RONALDO.

0
140

wararka ka imaanaya dalka france ayaa tibaaxaya in kooxda PSG ay soo bandhigtay Dalabkii ugu cuslaa ee ay ku doonayso in ay Gool Dhaliyaha kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ku qaadato.

Madaxwaynaha kooxda Psg ayaa la fahansan yahay in uu si toos ah ula kulmay wakiilka xidagani waxaana ay durbadiiba isla meel dhigeen Mushaaraadka Bilaha iyo Sanad laha ee Laacibkan uu kooxdan reer France ka heli doono.

Nasser Al-Khelaifi oo ah madaxwaynaha Paris Saint Germain ayaa waxaa wakiilka Ronaldo uu u sheegay in uu siin doono hadii dalabkooda uu aqbalo ilaa 45 Milyan dhaqaale gaaraya sanadkii taa oo ah laba laab tirada hadda uu ka qaato kooxda Los Balancos.

waxaa ay qorsheeyeen maamulka kooxdan in xagaagan ay si wayn u xoojiyaan dhinaca xidigahooda weerarka uga ciyaara iyagoona doonaya in ay iska garab ciyaarsiiyaan Cristiano Ronaldo,Kylian Mbappe iyo Naymar.

Awooda ugu badan ee PSG ayaa laysugu gayn doonaa Xili ciyaareedka soo socda in ay ku guulaystaan Koobka Champions Leage ay ay si wayn ugu baahi qabaan.

waa dalab aad qaali u ah mana cadda  in xidigan uu kasoo jawaabi doono iyo in kale balse waxaa horay Los Balancos ay usii shaacisay in heshiiska kooxdan uu u saxiixay Ronaldo lagu Bur Burin karo oo kaliya Dhaqaale Gaaraya Hal Bilyan.

Tan iyo xagaagii ugu dambeeyay Real aya baadi goobkii igu waynaa ugu jirtay soo xero gelinta Naymay oo PSG ay ka dhigtay xidiga ugu qaalisan uguna mushaarka badan Caalamka balse PSG waa ay ka meer meereen in ay Real xidigaasi ka iibiyaan.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.