Puntland iyo Itoobiya oo ku dhowaaqay iskaashi cusub

0
203

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wuxuu habeenimadii Arbacadda Madaxtooyadda Garowe ku qaabilay safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, Jamaaludiin Mustafe Cumar.Deni iyo Mustafa oo ay wehliyaan mas’uuliyiin labada dhinac ka kala socda isla markaana yeeshay kulan gaar ah kaasi oo ay dibad joog ka ahayd warbaahinta ayaa shirka kadib si wadajir ah ula hadlay saxaafada.Ugu horeyntii, hogaamiyaha dowlada Puntland ayaa tilmaamay in ay lafa gureen adkeynta xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya si gaar ah Puntland-Itoobiya iyo iskaashi ay ka yeeshaan amniga iyo ganacsiga.“Itoobiya waa dowlad saaxiib la ah Puntland, muddo adag oo ay ku jirtay Puntland soo garab-taagneyd, haddana aan rajeynayo in ay garab taagnaan doonto,” ayuu hadalkiisa ku daray Mr Deni.Inkasta oo lagu casuumay, haddana Mr Jamaaludiin oo kamid ahaa madaxdii ugu horeysay ee u soo hambalyeysan Deni markii la doortay, ma uusan kasoo muuqan xafladii caleemo saarka.“Waan ku faraxsanahay in Jamaaludiin isku aragno Garowe, xiligii caleemo saarka ayuu dalka uga maqnaa safar, isaga oo ahaa safiiradii iyo madaxdii ugu horeysay ee i soo hambalyeysay,” ayuu daba dhigay.Wuxuu daba dhigay: “Safiirka oo aan rumeysanahay in uu yahay qofkii ugu mudnaa xilkan wax badana qabtay mudada uu [xafiiska] joogo waxaan rajeynayaa in uu muddo badan kusoo noqon doono halkan [Garowe]”.Geesta kale, danjiraha ayaa dhinaciisa carabka ku adkeeyay in dowladiisa ay xoojin doonto wadashaqeynta iyo xiriirka safaarada uu madaxda ka yahay la leedahay xukuumada Puntland.Balse ujeedada ugu weyn ee safarkiisa shaqo ee magaala madaxda dowladda Puntland ayuu ku qeexay in ay ahayd qiimeyn uu ku sameynayey shaqada Qunsulyadda Itoobiya ee Garowe.“Waxaan golaha wasiirada Puntland aan kawada fariisanay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga soo jireenka ahaa ee mudan in la xoojiyo. Iskaashiga dhinaca ganacsiga iyo amniga,” ayuu hadalkiisa hoosta ka xariiqay.Ugu dambeyntii, Jamaaludiin oo Soomaali-Itoobiyaan ah ayaa bogaadiyey wax-qabadka xukuumada Deni mudada bilooyinka ah ee ay shaqeyneyso sida amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta hay’addaha dowladda.“Safaarad ahaan iyo Qunsulyada halkan waanu xoojin doonaa wadashaqeynta iyo xiriirka nagala dhaxeysa Puntland, waana ka mahad-celinayaan soo dhaweynta diiran,” ayuu xusay.Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ahIsha: Garowe Online




SOURCE: Puntland iyo Itoobiya oo ku dhowaaqay iskaashi cusub

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.