Puntland oo Boosaaso ku qabatay qaraxyo iyo raggii diyaarinayey +Sawirro

0
230

Garowe (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa gacanta ku soo dhigay walxaha qarxa iyo raggii diyaarinayey, kadib howlgallo ay ka sameeyeen xaafadda Buuraha oo ka tirsan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa fuliyey ciidamada sida gaarka u tababaran ee loo yaqaano (PSf) ee maamulkaasi.Ciidamada ayaa warbaahinta ugu soo bandhigay qaraxyadan iyo raggii waday gudaha magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.Saraakiisha ayaa shaaciyey in qaraxyadaasi la doonayey in laga fuliyo gudaha Boosaaso, laguna dhibaateeyo dadka shacabka ah, sida ay hadalka u dhigeen.Sidoo kale saraakiishani ayaa intaasi ku sii daray in baaritaanadooda ay sii wadi doonaan, inta lagu guda jiro dabaal daga aas aaska Puntland oo ku beegsan 1-da August.Puntland ayaa xoojisay nabad galyada magaalooyinka maamulkaasi oo dhawaan lagu qabanyo xuska 21 sanad guuradii ka soo wareegtay aas aaskeeda.Al-Shabaab iyo Daacish oo heysta qeybo ka mid ah gobolka Bari ayaa inta badan weeraro gaadma ah ka fuliya halkaasi. Caasimada Online Xafiiska Garowe caasimada@live.com




SOURCE: Puntland oo Boosaaso ku qabatay qaraxyo iyo raggii diyaarinayey +Sawirro

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.