Puntland oo ka dalbatay dowladda Federaalka inay ku soo wareejiso qoondada Xujeyda sanadkan

0
88

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dinta maamulka Puntland Cawil Sheekh Xaamud ayaa ka dalbaday dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iny ku soo wareejiso qoondadii ay ku lahaayeen tirada Xujeyda ee sanadkan soo gudaneysa Waajibaadka Xajka.
Shir Jaraa’id oo uu Suxufiyiinta u qabtay ayuu Wasiir Cawil Sheekh ku sheegay in 11,500 oo qof ay sanadkan Soomaaliya ka xajinayaan, iyadoo geed fadhi ay dowladda uga yihiin soo gudbinta Saamiga ay Puntland ku leedahay dadkaasi.
“Annagu malihin waxaanan laheyn hanala siiyo, waxa Puntland xaqa ay u leedahay ayaan uga fadhinaa, saamiga ay leedahay Puntland dadka isku dayaya inay carqaladeeyaan waxaanu leenahay ishana idinku heynaa, waan idinla soconaa, annagu waxaan rabnaa inaan maamulano oo Shirkado aysan dib dambe nooga maamulin” ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland.
Cawil Sheekh Xaamud oo ah Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta ee Puntland ayaa dhinaca kale sheegay inay wadaan diyaar garowgii u dambeeyay oo ku aadan Xajka sanadkan, isagoo sheegay inay ku aadeyso bisha Sideedaad ee sanadkan 2019.
Sacuudiga ayaa sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda Soomaalida ee sanadkan xajineysa, iyadoo gaarsiisay 11,500 oo qof, halka ay hore ka aheyd 9,500, waxaana kororka uu yimid kaddib markii sanadkii hore uu muran ka dhashay arrimaha Xajka, waxaana lagu sigtay inaan dalkan laga Xajin kaddib markii ay mas’uuliyiinta Shirkadda diyaaradaha ee heystay leenka Xajka iyo Wasaarada Diinta iyo Awqaafta uu muran soo kala dhex galay.
The post Puntland oo ka dalbatay dowladda Federaalka inay ku soo wareejiso qoondada Xujeyda sanadkan appeared first on jowhar Somali News Leader.




SOURCE: Puntland oo ka dalbatay dowladda Federaalka inay ku soo wareejiso qoondada Xujeyda sanadkan

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.